|

“Haddii soo dhaweyntii iyo taakulayntii ay Somaliland siinaysay qaxootiga Yemen uu tashuus soo galay waxa Siyaasadeeyey Masuuliyiinta Muqdisho fadhiya….” Wasiir Cukuse

Berbera:01,June,2015(SDN/QJ)-Somaliland, ayaa markii ugu horraysay jawaab ka Bixisay tacaddiyo lagu eedeynayey inay kula kacday Qaxooti soomaaliyeed oo kasoo cararayey Dagaalada Yemen oo la tilmaamay inay kala faquuq kula kacday.

CUKUSEWasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) oo kamid ah Xubnaha madaxweynaha safarka uu Berberba ku marayo ku metelaya oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inaanay somaliland wax xumaan ah la jeclayn Dadka qaxogia ah ee kasoo cararaya Dagaalada waddanka yemen, waxana uu beeniyey inay dadkaas kala faquuqeen.

Wasiir Cukuse waxa uu arrintaas ku eedeeyey Madaxda Somalia, kuwaas oo uu sheegay inay arrintaas siyaasadeeyeen,

“Haddii soo dhaweyntii iyo taakulayntii   ay  Somaliland siinaysay qaxootiga Yemen ka imanaya,  haddii uu tashuus soo galay waxa uu ka yimi Masuuliyiinta Muqdisho fadhiya ee siyaasadeeyey ee iyadoo ugu yaraan saddex kun oo qaxooti ah la qaabilay yidhi annagaa u fasaxnay Dekedda Berbera.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inaanay Masuuliyiinta Muqdisho u haboonayn inay dekedda Berbera sheegtaan, waxana uu yidhi,“faanka nacasnimada ah iska daaya oo ha sheeganina Dekedo aydaan xukumin oo ha sheeganina Dal aydaan xukumin. Annaguna qaxooti kasta waanu soo dhaweynaynaa”

Somaliland waxa hantaaqo adagi kasoo gaadhay Go’aan aan si hufan looga fikirin oo ay dhawaan ku mamnuucday Qaxootiga somaliyeed ee Yemen ka imanaya, iyadoo fasaxday dadka dalalka kale ee jaarka ah ka imanaya, balse inyar kadib waa ay fasaxday markii dhaleecayn badan loo jeediyey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed