|

“Haddii Ninka Mujaahidka Sheegaya ee Kulmiye (Muuse Biixi) soo baxo Maxkamad buu u diyaariyey Beeshayda &..” Boqor Axmed Iimaan DAAWO

Hargaysa 26. December 2016 (SDN/QJ):- Boqorka Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan Warsame, ayaa sheegay haddii Xisbil-xaakimka Kulmiye ee uu Muuse Biixi Musharraxa Madaxweynaha ka yahay haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 2017-ka u muddaysan inuu Maxkamado u diyaariyey Beelaha Gabooye, Reer Sool iyo Reer Awdal.
Waxa uu sheegay inaanay Beel ahaan aqbalaynin Gumaysi iyo Cadaalad-darro, isla markaana weerarkii lagu dhaawacay Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Xirsi oo toddobaadkii hore laba Nin dhaawacyo u geysteen xilli habeennimo ah gudaha Hargeysa ay ka dambeeyeen Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo uu xusay inay Boqor ahaan uga soo cawdeen oo ka dalbadeen inuu ka qabto, maaddaama oo uu dhalliilo kala duwan u jeediyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda sida; uu Boqorku sheegay.
Boqor Axmed Iimaan waxa uu yidhi; “Dadkuu leeyahay Mujaahid baan ahay way dhammaatay Mujaahid-nimadii 1991-kii markii Shirkii Burco la isugu yimi, waxa lagaga dhawaaqay in Somaliland gacmaha la is-qabsado, waxa lagaga dhawaaqay in xumaantii la daayo, waxaa lagaga dhawaaqay in Somaliland Qarannimo loogu dhiso.”
“Laakiin, immika waxan la wadaa waxay daliil u tahay Beesha dhexe iyagu gudahooda way iska baqaan oo isku dhici maayaan, ee waxa loo ham iyo dig leeyahay Beeshaan ka soo jeedo (Gabooye), Reer Sool iyo Reer Awdal, waayo? Marka la illeeyahay Faqash baad ahaydeen oo waannu idin cafinay, Faqash annaga oo keliyi may ahayn ee Reer Sool iyo reer Awdalna Faqash baannu wada ahayn. Taasi waxay daliil u tahay haddii Ninka Mujaahidka sheeganaya ee KULMIYE talada qabto waxa uu noo diyaariyey Maxkamado uu nagu xukumo.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Axmed Iimaan.
Waxaanu intaas ku ladhay Boqor Axmed oo hadalkiisa sii watay oo uu yidhi; “Haddaa idinku shalay Kaymaha gasheen Codkayga ayaa Qori ah… Wixii aannu sheegaynay ee aannu Caalamka ka dhaadhicinaynayna waad caddayseen… Waxa Markhaati u ah Barkhad waxa ku dhacay. Kulmiyoow inaad na gumaysataan Wallaahi idinka yeeli mayno oo Billaahi idinka yeeli mayno oo Billaahi idinka yeeli mayno ee…”

Comments are closed