|

“Haddii Mucaaridku Isla-meel Dhigiwaayaan Mawqif Midaysan, Maxaa La Yeelayaa Doorasho Ma Dhacayso 26-ka June,& Farqiga u dhexeeya Aragtida Mucaaridka” DAAWO

Hargeysa 29.Jan 2015 (SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID sheegay inaanay jirin doorasho dalka ka dhacaysa 26-ka June 2015-ka.Xisbigu wuxuu dib u dhaca doorashada ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye.

ucidShir Jaraa’id oo Xarunta Xisbiga ee Hargeysa ay ku qabteen  Musharaxa Madaxweyne xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan,Gudoomiye xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray, Xoghahaya Warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xubno kale oo sare ayaa lagu sheegay inaanay suuro gal ahayn doorashada dalka ka dhacaysa wakhtiga loo asteeyay ee ahaa 26-june-2015-ka. Waxa uu Xisbiga Ucid Sheegay in Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Mawqifkooda dib u dhaca doorashada

Guddoomiye Xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray ayaa Xisbiga UCIDu hadlay waxaanu ugu horrayn yidhi “Sababta ugu muhiimsan ee nagu kalliftay inaanu Shir Saxaafaddeedkan qabano waxa weeye inaanu Shacabka u gudbino halkay marayso Doorashadii iyo Xaqiiqada jirta oo runtii illaa hadda aanay jirin cid ku dhacday inay si cad dadka runta ugu sheegto.waxaanu doonaynaa inaanu markii u horaysay Shacbiga Somaliland si cad ugu sheegno in sida ay noogu muuqato aanay jirin Doorasho dalkan ka dhacaysa 26-ka June ee sanadkan”

Cali Guray waxa uu sheegay inay suuro gal ahayd in dalka doorasho wakhtigeedii ka dhacdo balse loo kasay in doorashadu dib u dhacdo “Haddii la dadaalo Dalka doorasho Way ka dhici karaysay suuro galna way ahayd in 26-ka june 2015-ka doorashadu dhacdo  laakiin,waxaad goob joog ka ahaydeen sidii loola dagaalamay ee Xeerarkii loo burburiyay ee Xukumadda,Wakiilada iyo Guurtida oo iskaashanaya muddo 7 ama 8 bilood ah ay uga lumiyeen in 26-ka June Doorasho suuro gal noqoto.Nasiib darro way ku guulaysteen inaaan doorashadu ku qabsoomin wakhtigeedii,malaha iyagu guul bay u arkaane” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Sababaha Kale ee UCID Aaminsan yahay inay doorashada dib u ridayaaan:-

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Guray waxa uu Xisbiga Waddani iyo Xukumadda iyo Kulmiye oo isku dhinac ah ku eedeeyay inaanay diyaar u ahayn doorasho wakhtigii loo asteeyay ku qabsoonta “Waraysigii u dambeeyay ee Madaxweynuhu TV-ga Qaranka siiyay,wuxuu lahaa Doorashadu wakhtigeedii bay ku qabsoomaysaa.Waad maqlayseen Qolyo kale(Waddani) oo iyaga laftoodu lahaa doorashadu waa inay 26-ka June dhacdo.

Haddii Doorashadu 26-ka June dhacayso waxay ahayd,in Saddexda Xisbi Qaran 26-kii June(2014) ka hor diyaariyaan Musharaxiintooda doorashada oo Golaha dhexe soo ansixiyo. Xisbigan Ucid Mooyaane, ilaa maalinkaas maanta ah ma jiro Xisbi Musharaxiintiisii soo saaray oo Golahooda dhexe soo ansixiyay.

Hadday run ka tahay in doorashadu Wakhtigeedii ku qabsoonto,Madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd 26-ka December ka hor in Xisbiga Kulmiye fadhiisto oo Musharax haddii uu yahay soo ansixiyo Musharaxnimadiisa.Muu yeelin haddana wuxuu ku leeyahay Doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa,taas waxaanu u aragnaa BEEN CAD OO DADKA LOO SHEEGAYO, doorasho 26-ka june dhacaysaana ma jirto.

Sidoo kale Xisbiga Waddani waxay ahayd in 26-kii December ka hor Golihiisa dhexe oo dhameeyo Musharaxiintooda,iyagoon Musharaxiintoodaba diyaarin inay haddana dadka ku yidhaahdaan Doorashadu waxay dhacaysaa 26-ka June ama waa inay wakhtigaas ku dhacdo waa Been Cad oo qaawan waanan ka baxnay annagu fikirkaas, waxaanu leenahay Shacbiga Somaliland haddaad tihiin 26-ka June Wax doorasho ah oo dalkan ka dhacayaa ma jiro.”

Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay sidoo kale ahayd in Gudoomiye Cirro Xilka Baarlamaanka ka dego ka hor 26-kii December maadaama sharcigu dhigayo in qofka xil haya ee Qaranka u sharaxani 6- doorashada ka hor xilka ka dego.

Xisbiga UCID waxa uu sheegay in Heshiiskii hore ee Mucaaradka ee Nuxurkiisu ahaa in haddii Doorashadu dib u dhacdo la sameeyo Dawlad wadaaga ah ay wali Ixtiraamayaa balse haddii maalmaha soo socda ay Mucaaradku Mawqif midaysan qaadan waayo ay iyagu shaacin doonaan waxa ugu meel yaal dib u dhaca doorashada.

“Haddii Maalmaha soo socda Xisbiyadda Mucaaradka ahi isla meel dhigi waayo Mawqif midaysan oo ah Maxaa la yeelayaa Doorasho ma dhacayso 26-ka June eh, taas waxaanu doonaynay inaanu saaka sii dayno mawqifkayaga laakiin Dhinacyadii kale iyo Xisbiyada Mucaaradka markaanu la tashanay waxay naga codsadeen inaanu talada ku sinno si Mawqif midaysan oo Mucaarad aanu u yeelanno” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Farqiga u dhexeeya ama kala aragti duwanaanta Waddani iyo Ucid

Inkasta oo hore loo Ogaa in isbahaysi siyaasadeed iyo heshiisyo u dhexeeyeen Labada Xisbi Mucaarad,haddana Cali Guray wuxuu sheegay in arrimahaasi sidoodii yihiin, islamarkaana ay ka midaysan yihiin Mucaaradada iyo aragtida ay Xukumadda ku kala duwan yihiin balse waxa uu sheegay inay ku kala aragti duwan yihiin arrinta Wakiilada.

“Haddii in uun aanu wax kukala duwannahay Waddani  waa Arrimaha Khuseeya uun Wakiilada,dadka leh wax kale ayay isku hayaan ama Xukumaddan bay u kala dhaw yihiin waxba kama jiraan.halka aanu annagu u aragno in Golaha wakiiladu yihiin halka ugu daran ee doorashada Carqaladaynaysa ee xeerarka baabiinaysa ee 5 sanno la doortay ee 10 sanno fadhiyay iyaga yihiin, markaa qiimo kasta oo ay tagayso  annagu marna iyo goorna aqbali mayno muddaddaas 26-ka June inay sii fadhiyaan” ayuu yidhi Cali Guray.

 https://www.youtube.com/watch?v=z5Ju-mclVY8&feature=youtu.be

Comments are closed