“Haddii Madaxweynaha Iyo Xisbiyadu Xal Isla Gaadheen, Waa In Sharciyadda La Is Waafajiya” Xildhibaan Waabeeye
Hargeysa, 04 June 2015 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha 2-aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay go’aanka guurtidu ku diiday heshiiskii dhexmaray Xukuumadda iyo Xisbiyadda, isla markaana wuxuu ku taliyay in la iswaafajiyo sharciga iyo xilliga xukuumadda iyo xisbiyadu isla gaadheen.
Guddoomiye Waabeeye wuxuu sidaa ku tiraabay barnaamijka aragtida Siyaasiga oo ka baxa telefishinka Royal Tv.
Guddoomiyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Golaha guurtidu marka laga hadlayo kordhinta dawladda, iyada distuuriyan leh oo xaqbay u leedahay, haddana mamnuuc uma ahaa in xalal siyaasi ah la gaadho, iyadoo sharciga la jabinayn wax diidaya ma jiraan. Marka mawqifka guurtidu qaadatay marka halka sharciga laga eego waa sax, haddii dawladii iyo xisbiyadii xal gaadheena iyadana qadarinteeday leeyihiin. Markaa wax muhiim ah, mar haddii madaxweynihii iyo xisbiyaddii xal isla gaadheen, in xiliga ay gaadheen iyo sharciyadda la is-waafajiyo.”Ayuu yidhi Waabeeye
Sidoo kale, Gudoomiye Waabeeye wuxuu sheegay in iswaafajiyo sharciga iyo xilliga xukuumadda iyo xisbiyadu isla gaadheen “Madaxweynuhu xaqbuu u leeyahay inta guurtidu u kordhisay ee sannadka iyo tobanka bilood ahi waa sharci, haddii madaxweynuhu sharcigiisii hoos u dhigay oo uu yidhi maaha kordhine waan dhimayaa, isagoo madaxweynuhu waqtigiisii ku jira oo iska gooyay afar bilood, oo madaxweyne Siilaanyo go’aanka qaatay, oo xisbiyaddii mucaaridka ahna ku raaceen waa hoggaamiyihii qarankee oo uu xal u arkay, guurtiduna sharciyada xaq u leedahay, waxaan odhan lahaa wax fiican in la is qadariyo oo la isla eego.”