“Haddii maamulka Xamar si degdeg ah u aqoonsan waayaan maamulka Khaatumo, annaguna go’aan ayaan qaadan doonaa” Hanjabaada Galaydh u diray Somalia
Saax dheer 15.Aug 2014 (SDN/QJ)- Cali Khaliif Galeydh oo maanta tuulada Saaxdheer ee gobolka Sool,ay 21 ruux ugu doorteen in uu ahaado Madaxweynaha kooxda Khaatumo,ayaa guushii doorashadiisa ka dib hadal uu jeediyay waxaa uu hanjbaad ugu diray dawladda Federaalka Soomaaliya.
Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya isla markaana hore usoo noqday Raysalwasaaraha Soomaaliya dawladdii Cabdiqaasin ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti,ayaa in muddoba ku hawlanaa qabashada Shirkii sadexaad ee ay yeeshaan kooxda Khaatumo si halkaa uu isugu sharaxo Madaxweynaha kooxdaas.
Cali Khaliif Galaydh ayaa shalay markii la doortay ee ay u codeeyeen 21 ruux oo ku sugnaa madasha shirku ka dhacayay ee Saaxdheer hadal uu jeediyay waxaa uu ugu hanjabay dawladda Soomaaliya oo uu sheegay haddii ay aqoonsan weydo Maamul goboleedka Khaatumo State in ay go,aan ka qaadan doonaan iyaguna(kooxda Khaatumo) dawladda Muqdisho.
“Haddii maamulka Xamar si degdeg ah u aqoonsan waayaan maamulka Khaatumo, annaguna go’aan ayaan qaadan doonaa” ayuu yidhi Cali Khaliif oo la hadlay BBC.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa qadka taleefonka ugu hambalyeeyay Cali Khaliif Galeyr markii uu ku guuleystay doorashadda ka dhacay deeganka Saaxdheer oo u dhow soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kooxda Khaatumo,ayaa gudaha Somaliland kaga dhex dhawaaqay in ay ku doorteen Madaxweynihii sadexaad isla markaana ka soo hor jeeda gooni isu taagga Somaliland,waxaa kaloo ay dagaallo hore u dhex mareen Maamul goboleedka Puntland iyagoo aan dhanna heshiis la ahayn.
Hadaba waxay isweydiintu tahay Somaliland iyo Puntland midkeebaa ku horrayn doona ka taqaluska Kooxda Galaydh.
Mise waxaa uu xildhibaan galaydh Madaxweyne ku ahaan doonaa 21 cod oo ku sugan tuulada Saaxdheer oo ku taalla xadka Somaliland iyo Itoobiya ka wadaagaan gobolka Sool.
Saax dheer SDN/QJ
contact@qurbejoog.com