|

“Haddii kutubtii timo laga helay Shaydaan baa ku guray si loo moodo inay Nebiga ka timi, sidaas darteed ciddii soontay way qaldan tahay cidda soomanina Ha jabiso.” Sheekh Umal

Nairobi:May,23,2015(SDN/QJ)-Inta Badan Dalalka Soomaalidu degto, sida Kenya, Somalia,Djibouti iyo Somaliland waxa Toddobaadkan si weyn looga Hadal hayey qiso ku saabsanayd Gabadh dhallinyaro ah oo ku riyootay Aragtida Nebi Muxamed N.N.K.H, Isla-markaana amarro la sheegay inuu soo faray umadda usoo qaadday.

umalSheekadan oo Guryaha, Meherada, Basaska, Goobaha Waxbarashada, Suuqyada, Waddooyinka, Masaajiddada iyo Goobaha dadku ku kulmaan si weyn looga Hadal hayey, isla-markaana dadka muran iyo walaac gelisay, ayaa ku Nuxurkeedu ahaa Gabadh dhallinyaro ah oo aan si ramsi ah loo xaqiijin Goobta ay joogto, aas oo la sheegayo inay riyo ku aragtay Nebi Muxamed N.N.K.H.A, isla-markaana kasoo qaadday amar salka ku hayey in umadda Muslimiinta ah ay khatari kusoo socoto, isla-markaana Khatartaas ay kaga badbaadi karaan Soon Afar maalmood ah oo ay sameeyaan.

Culimada Waaweyn ee Soomalida ayaa arrintan si weyn uga Hadashay, gaar ahaan waxa Dhammaanba Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland culimada ku sugani salaaddii jimcaha khudbadahoodii kusoo qaateen Arrintan bulshada dhexdeeda muranka  iyo shakiga ka abuurtay, taas oo ay isku dayeen inay bayaamiyaan.

Culimada qisadan isku dayday inay bayaamiyaan, shakiga bulshada ku jirana kaga saaraan, ayaa waxa kamid ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada waaweyn  ee Somaliadd Kun nool  Waddanka Kenya, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid aan meelna ku lahayn Sunnada iyo Diinta Suuban ee Islaamka.

Sheekha oo Umadda muslimiinta ah farriin uga diray Masaajid ku yaalla Magaalada Nairobi, waxana uu isagoo daliishanaya Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis tilmaamay in sheekadaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla-markaana aan xukunkeeda la qaadan karin.

Ugu horrayn sheekh Maxamed Cabdi Umal waxa uu si kooban uga sheekeeyey qisadan bulshada soomaalida ah sida weyn ugu dhex faaftay oo qaarkood rumaysteen, isla-markaana qaateen awaamiirtii ay wadatay,

“Waxa magaalooyinka somalida ku jirta Sheeko la leeyahay Gabadh yar baaa riyootay, taas oo meelo badan gaadhay, sheekhadani waxay leedahay gabadh yar baa riyaatay oo Nebiga ku riyootay N.N.K.H.A. Wuxuu ku yidhi umaddaydu way baaba’aysaaye  maxaa badbaado ah, waxa uu yidhi umaddayda halla amro inay afar maalmood soomaan, Gabadhii yarayd waxay leedahay Nebiga waxan ku idhi iga rumaysan maayeen maxaa astaan ah oo umaddaydu igu rumaystaan, markaasu igu yidhi bay tidhi kitaabka dhexdiisa timo hallaga raadiyo, timahaas haddii kitaabka laga helona sidaasaa lagu rumaysanayaa, Haddii kutubtii la eegaynaa waxa loogu tagay tin cad iyo tin madow.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Umal.

Sheekh Umal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay jirin cid aragtay ama caddayn karta Goobta Gabadhan riyadeeda lasoo wariyey ku nooshahay, waxana uu si cad u sheegay inaan qof riyadii loo qaadan karin diin, marka laga reebo Riyada Ambiyada, waxana uu yidhi,

“Arrintaas inaan iftiimiyo ayaan rabaa, gabadha riyaatay horto lama yaqaanno oo mar sucuudigaa lagu sheegay marna Kenya ayaa lagu sheegay, lamana hayo cid la kulantay oo aragtay. Haddiiba la helo inay sugnaato inay riyootay Su’aashu waa Riyada Diin maloo qaadan karaa, jawaabtu waa meelaha Diinta laga qaadan karo diinteena kamid ah marka laga reebo Riyada Nebiyada oo iyadu waxyi ah, wixiise Nebiyada kasoo hadhay diin lagama qaadan karo.”

Markale Sheekh Umal waxa uu ka Hadlay Qofka sheegta inuu Nebiga N.N.K.H.A. uu riyo ku arkay iyo shuruudo looga baahan yahay inuu Buuxiyo, waxana uu yidhi,

“Nebiga waa lagu riyoon karaa, waxase shardi u ah in cidda riyadaas aragtay ay sifooyinkiisii sheegto oo tilmaamto, markaas ayaa la odhan karaa Nebiga N.N.K.H.H.”

Sheekhu waxa uu sheegay in wax kasta oo diinta Islaamka dhaqankeeda la xidhiidha la dhamaystiray xilligii uu Nebigu Noolaa, isla-markaana aan cid riyaatay oo diin soo kordhisay la rumaysan karin, waxana uu yidhi,

“Marka la ina leeyahay Nebigii Baan ku riyooday oo amarro ayuu isoo faray oo uusoo bixiyey, jawaabteedu waa Nebigu N.N.K.H.A. intii uu noolaa ayey diintu dhamaystirantay, wax dhiman oo hadda  riyo looga soo qaadaa ma jirto. cid riyootay baa innooga soo qaadday Diin oo amar inooga soo qaaday Nebi Muxamed, Adeen intuu Noolaabuu noo dhamaystiray wixii aanu u baahnayn.”

Waxa uu sheekhu sheegay marka la eego sida umaddu ugu heellan tahay qaadashada sheekadani in bidcadu si fudud umadda kusoo geli karto,

“Gabadhu haddii ay riyootay oo ay Nebigii aragtay warkeeda meel halla fadhiisato, war umad loo keeno ma ahee, waxana ay arrintaasu ku tusaysaa sida ay umaddu ugu nugushahay Bidcooyinka” ayuu yidhi Sheekh Umal.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi,

“sunnayaashii iyo waajibaadkii baanu kari la’nahay oo umaddii in badani fulin la’dahaye Maxaa gabadh yar oo foodley ah oo riyootay arrinkeeda ina geliyey.”

Mar uu sheekh Maxamed Cabdi Umal ka Hadlayey shuruudo gabadhan riyadeedu wadatay oo tilmaamayey in dhammaanba kutubta lagu arkayo Timo, isla-markaana dad badani sheegeen inay arkeen, ayuu ku tilmaamay tallaabo shaydaan taabo geliyey,

“Haddii kutubtii timo laga helay Shaydaan baa ku guray si loo moodo inay Nebiga ka timi, sidaas darteed ciddii soontay way qaldan tahay cidda soontayna Ha jabiso.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Magaalada Hargeysa dad badan oo ku nool, ayaa sheegay inay kutubtii guryahooda taallay ku arkeen timaha, isla-markaan bilaabeen soonkii riyadaas la socday.

Qisadan, ayaa si weyn  u saamaysay Nolosha shucuubta Soomaalida ah, waxana ay dhexdooda ka abuurtay muran iyo is qabqabsi badan, ka hor inta aanay Culimadu afkooda ula bixin oo aanay ku Bayaamin xukunkeeda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed