“Haddii Jowhar la qabsaday Beladweyne ayaan ku shaqeynayaa, Waxaa Dawlada aan Hogaamiyo Cagaha hayay Raysal Wasaare Khayre Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Wakhti iga Lumiyey” Madaxweynihii Xilka Laga Qaaday ee Hirshabeele Cali C/llaahi Cosoble DAAWO
Beledweyne 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markale ku eedeeyay dowlada federaalka inay dooneyso burburinta Maamulkaas.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo gaaray magaalada Beled-weyne ayaa Saxaafada u sheegay inaysan ka jirin cadaalad magaalada Muqdisho ayna dowlada federaalka ka shaqeyneyso sidii ay u burburin lahayd dowlad goboleedyada.
Waxaa uu si cad u sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dowlad goboleedka Hirshabelle uuna magaalada Beledweyne ku shaqeyn doono isagoo Madaxweyne ah.
“Jowhar waxaa qabsaday dowlada dhexe oo fowdo dooneysa sidaa awgeed waxaan ku shaqeynayaa magaalo Beledweyne, waana caadi haddii Al-shabaab magaalo qabsato meel kale oo lagu shaqeeyo ayaa loo guuraa ”ayuu yiri Cali Cabdullaahi.
Cosoble waxaa uu sheegay inuu soo bandhigi doono dhowaan cadeymo muujinaya in Ra’isul wasaare Kheyre uu ka dambeeyey kulankii xildhibaanada Hirshabelle ku shaaciyeen iney xilka ka qaadeen.