‘’Haddii aynu Midnimo Raadinayno waa inaynu mar walba Xasuusannaa inaynu ahayn laba Dal oo Midoobey,.’’ Raysal-wasaare Xigeenka Soomaaliya
Muqdisho,12Jan,2016(QJ/SDN)-Raysal-wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya MD.Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadda saxaafadda ku koobtay uun Radio Muqdisho oo kaliya, isagoona dowladda Soomaaliya ku canaantay haddii ay midnimo raadinayso in ay xaqiiqsato in Soomaaliya ahayd laba Dal oo midoobey isla markaanna si dheeli tiran looga warramo taariikhahooga oo aan dhinac qudha lasoo qaadan.
Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxa uu tilmaamay in warbaahinta Somaliland ay tahay mid ka taariikh dheer kana fac weyn tan Soomaaliya, isagoona tusaale usoo qaatay idaacadda Radio Hargeysa oo ah idaacaddii ugu horaysay ee adduunka Afsoomaali ku hadasha.
‘’Markaan eegay lifaaqa siyaasadda saxaafadda Soomaaliya taariikhda waxa lagu soo koobay uun Radio Muqdisho, laakiin waxa la doonayaa marka laga hadlayo warbaahinta khaasatan in ay jirtay oo dagaalkii labaad ee adduunka ka dib meelo wararka laga sheego oo ka jiray Hargeysa iyo Burco, iyadoona markii danbe uu halkaasi ka bilaabmay Radio Hargeysa, markaa waxaynu doonaynaa haddii aynu ka hadlayno taariikhda warbaahinta waa in aynu mar walba xasuusanaa in Soomaaliya ay ahayd laba Dal oo midoobey, markaa inaydun taariikhda dhinaca kalena soo qaadataan ayaa muhiima oo aad ku dartaan si markaa ay uga muuqato, haddii aynu midnimo raadinayno inay ka muuqato labada dhinacba oo aanay qayb kaliya uun ka muuqan,..’’ ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte Qaalib, Raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya
Raysal-wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka shirweynaha Qaran ee horumarinta Saxaafadda Soomaaliya oo shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka furmay.
Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa ka mid ah masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya xilalka sare ka haya isla markaanna kasoo jeeda deegaan ahaan Somaliland.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland