|

Haddii Aad Ogaato Arrimahan Waxaad Ka Dheeraan Cunidda Toonta !

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):- Toonta  had iyo jeer waxa aynu u adeegsanaa samaynta cuntooyinka iyo sidoo kale in ay cuntooyinka aynu karsanayno kayeesho mid udgoon, sidoo kalena Toontu waxa ay leedahay Faa’iidooyin aad u badan, waxaana ka mid ah Maadooyinka ay xambaarsantahay Maadada loo yaqaan Allicin, waxa aanay Maadadaasi hoos u dhigtaa Dhiigga qofka marka uu kor u kaco, taasoo ay macnaheedu tahay in Dadka Dhiig-karka qaba ay Faa’iido Caafimaad oo badan u leedahay .

Sidoo kale, Toontu waxa ay la Dagaalantaa Hoormoonka loo yaqaan Angiostensin ee hoos u dhiga awoodda xididdada Dhiigga.

Haddaba si kasta  ha ahaadaan Faa’iidooyinka ay toontu leedahay, balse Akhriste waxa arrimahan hoos ku xusan oo kuu diidaya inaad Cunto ama Isticmaasho Toonta.

  1. Haddii aad isticmaasho Daawo uu dhakhtarku kuu soo qoray ka dheeraw cunista Toonta.
  2. Dadka ka cabanaya Xanuunka Beerka uma fiicna inay cunaan Toonta.
  3. waxa ay Toontu sabab u tahay Xasaasiyadda ku dhacda Caloosha.
  4. Haweenka Uurka leh had iyo jeer uma wanaagsana inay isticmaalaan Toonta.
  5. Hadii aad ka mid tahay Dadka had iyo jeer dhiigoogu hoos u dhaco ka dheeraw Cunista Toonta.

Haddaba waxa aad had iyo jeer ku arkaysaa bulshadeena dhexdeeda iyada oo dad arrimahaa aynu soo sheegnay mid ka mid ah ay haysato haddana isticmaalaya Toonta, waana arrin ay Dhakhaatiirtu ka digeen sidaa awgeedna haddii aad talooyinkaasi raacdo waxa aad is beddel ka dareemi doontaa Caafimaadkaaga.

Comments are closed