|

Haddii aad Hogaamiye Xirsi Talada Dalka Qaban lahayd oo aad Madaxweyne Ka Noqon Lahayd, Maxaad Qabyaaladda Ka Yeeli Lahaa ? DAAWO

Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in halista ugu weyn ee dalka Somaliland ka jirtaa ay tahay Qabyaaladda, haddii uu Mustaqbalka Madaxweyne ka noqdo Somaliland-na uu awooddiisa isugu geyn doono sidii loola dagaalami lahaa ee Bulshadu uga gudbi lahayd.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo lagu wareystay Barnaamijka GEEDIGA WADAAY ee uu Soo-saaraha ka yahay Rashiid Sulub Caalin, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey Siyaasadda iyo Qabyaaladda wuxuu yidhi, “Qabyaaladdu maaha siyaasadda oo kaliya ee waa mushkilad nolosha dhammaanteed inaga haysata, oo meel kasta inaga gashay oo dhuuxa ayey inaga gashay, waana aafo, waxaanan aaminsanahay inay tahay aafada ugu weyn ee u baahan in dalkan lagala dabaasho, Waa Aafada indho-tirtay ummaddii ee keentay in qofkii wanaagsanaa aan la arkayn ee la odhanayo ma yahay reer Hebel, markaa waa aafo aad u weyn.”

Xirsi oo la weydiiyey wuxuu Qabyaaladda ka qaban lahaa hadduu Dalka Madaxweyne ka noqon lahaa, ayaa yidhi “Malaha waxa fiican in qolyaha xilkaa u sharraxan aad weydiiso, waa iska mustaqbal dheere, aniguse waxaan isku dayi lahaa in tallaabada koowaad ee aan dalkan ka qabtaa ay noqoto in aan qabyaaladda wax ka qabto, oo ay ummaddu u sinnaato khayraadka shaqsi ahaaneed, oo aqoontiisa, kartidiisa, aragtidiisa lagu tixgaliyo. Wax hawl yarna maaha ee waa barnaamij dheer, sida aan wax uga qaban lahaana waxay ku jirtaa buuggayga.”

Comments are closed