|

“Hadday Diyaar U Yihiin Inay Wax Ka Beddelaan (Dastuurka Waanu La Midoobaynaa) Somaliland….” Cali Khaliif Galaydh DAAWO

Buuhoodle 04. January 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyeha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa in Ujeeddada ay ka leeyihiin Wada-hadallada ay kula jiraan Dawladda Somaliland inay tahay in Dadka ku dhaqan deegaannada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle Nabad ku noolaadaan oo ay Salka Dhulka dhigaan, laakiin aanay doonayn inay la midoobaan.
Cali Khaliif Galaydh, wuxuu sheegay in aanay Somaliland siyaasad ahaan la midoobayn inta buu yidhi aan waxba laga beddelin Dastuurka Somaliland, wallow aanu carrab-baabin Qodobbada uu doonayo in wax laga beddelo.

Galaydh oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal la xidhiidha Ujeeddada ay ka leeyihiin Wada-hadallada ay la bilaabeen Dawladda Somaliland, ayaa yidhi, “Ujeeddada aanu ka leenahay (Wada-hadallada Somaliland) waa in Nabad la gaadho, isfaham la gaadho, Arrimo aad loogu kala gedisan yahayna way jiraan (oo u baahan in isfaham laga gaadho).”
Galaydh oo Wareysi Magaalada Buuhoodle ku siiyey Telefiishanka Universal, wuxuu sheegay in aanay u muuqan sabab ay xilligan uga hadlaan Midnimada Soomaaliya, maaddaama buu yidhi aanay Xamar ka jirin Xukuumad uu sheegay in aanay ku qanacsanayn, sidaa darteedna ay Dantooda ka raadsanayaan Somaliland, wallow uu leeyahay Dastuurka Somaliland wax ha laga beddelo, “Siday Hadda wax noogu muuqdaan, Maamulka imika Xamar jooga uma aragno mid aanu Midnimo Soomaaliyeed ugu dhimanno. Markaa waxaanu raadsanaynaa Dantayada, Dantayada ugu horeysa ee aanu ka raadsanayno (Somaliland) waa in Dadkayagu Salka Dhulka dhigaan oo ay Nabad ku noolaadaan.”

Hoggaamiyeha Khaatumo oo la waydiiyey wuxuu is leeyahay way ku heshiin karaan Somaliland Mustaqbalka, ku jawaabay, “Dastuurkoodu intuu jiro, maaha waxaanu hollinayno inaanu ka mid noqonno (Somaliland), mana noqonayno (Somaliland), Shuqulna kuma yeelanayno. Laakiin hadday diyaar u yihiin inay waxaa beddelaan (Dastuurka) wakhtigay doonto ha qaadatee (waanu la midoobaynaa)…”ayuu yidhi.

Comments are closed