|

Madasha Wada Tashiga oo sheegtay in Dooda Qaran saldhigeedu noqdo sixida dhaliilaha Dastuurka iyo Xeerarka Dalka

Hargaysa 22.Dec 2013 (SDN)- Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa soo dhawaysay Go’aankii ay Sadexda Xisbi iskula Gaadheen in si wada jir ah looga qayb galo Shirka dooda Qaran waxaa kale oo Madashu soo dhawaysay Go’aanka Geesinimada leh ee Akaademiga Nabada iyo Horumarku ku Marti galinayaan Shirkaas dooda Qaran .

Muj-Xasan-GuureSidaas Waxaa lagu sheegay Warsaxaaafadeed uu Soo saaray Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Muj Xasan Guure kaas oo u dhignaa Sidan :- Haddaanu nahay Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta iyo ururada la bahda ah sida Golaha Aqoonyahanadda waxaanu si diiran u soo dhaweenaynaa heshiiskii ay isla gaadheen seddexda Xusbi Qaran in si wada jir ah oo qabto Shirka Dooda Qaran. Si la mid ah oo niyadsami ah waxaanu teegaaraynaa go’aankii geesinimo ee ay gaadeen Akaadimiyadda Nabada Iyo Xalinta Khilaafaadka in marti geliyaan Shirkaa Dooda Qaran.

Waxaanu kale oo aanu si qabi furan ugu mahad naqanaa Bulshada Rayidka, Ururada Dumarka iyo Dhalinyaridda, Golaha Aqoonyahanadda, Xildhibaanada Madaxa Banaan, Saxaafadda Madaxa Banaan iyo Shacabka guud ahaan gudo iyo debedba oo kulugooba qayb ka ahaa suurtagalka Heshiiskan.

Ugu dhambeentii, anagoo ku boorinayna cid kasta oo ay khusayso in ay si hagar la’aan ah u sii wadaan shaqadoodan amaanta leh, Madashu waxay si mug leh u aaminsantahay in dhaliilaha ku jira Dastuurka iyo Xeerarka Dalka uu noqdo mid ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee lagu falanqeeyo Shirkaas.

 

 

Comments are closed