“Haddaan Somaliland Madax Ka Noqon Lahaa Shaki Kuma Jiro Inaan Midayn lahaa Soomaaliya iyo Somaliland ,..’’ Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
“Haddaan Somaliland Madax Ka Noqon Lahaa Shaki Kuma Jiro Inaan Midayn lahaa Soomaaliya iyo Somaliland ,..’’ Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
Muqdisho,8Dec,2015(QJ/SDN)-Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenkii Hore ee Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, sidoo kalana horey madax uga ahayd mid ka mid ah ururadii ku hadhay tartankii 2012 ee Somaliland, balse hadda xildhibaan ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waraysi lala yeeshay ku sheegtay inaanu shaki ku jirin inay Somaliland iyo Soomaaliya midayn lahayd haddii Haddii ay Somaliland madaxweyne ka noqon lahayd.
Sidoo kale Foosiya waxay sheegtay inay diyaar u tahay in hadba halka ay wax ka qaban karto tagto, iyadoo ku dooday inay midnimo la jeceshahay ummadda Soomaaliyeed si ay bay tidhi Soomaaliya ay doorkii caalamka ku lahayd ugu soo noqoto. Waxayna tilmaantay inaanay wakhtigan diyaar u ahayn kuraasta sare ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Foosiya mar wax laga weydiiyay sida ay ugu suurto gashay inay Ra’iisal wasaare ku xigeen ka noqoto dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegtay in dhowr jeer oo horeba ay dowladihii Soomaaliya soomaray ay u yeedheen sida dowladdii Madaxweyne Shariif.
Hordhaca Wareysi Lala Yeeshay Foosiya: RIIX
Insha Allaah Qurbejoog.Com kala soco dhawaan Wareysiga Oo Dhammeystiran