|

“Hadalkii Wasiir Maxamuud Xaashi Waxaan Ka Fahmay In Madaxweyneheenna Iyo Madaxweynihii Hore Ee Somalia Ka Heshiiyeen (Saldhigga Berbera)..” Muj .Cali Guray

Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga

Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa shaaca ka qaaday in sida uga Fahmay hadal uu Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi dhammaadka toddobaadkii tegay Dubai ka sheegay ay caddahay in Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ay wada galeen ama ay dhex-mareen isfaham iyo heshiisyo qarsoodi ah oo la xidhiidha Heshiisyada Imaaraadka ee Dekedda Berbera iyo Saldhigga Millateri ee Berbera.

Cali-Guray waxa uu sheegay in arrinta Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Berbera laga siinayaa weli mugdi badani ka sokeeyo oo aan la ogeyn khasaare iyo faa’iido midka ku jira.

Waxa kale oo uu sheegay in Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu caddeeyey inuu bixiyey oggolaanshaha heshiiska Shirkadda Dubai World ee Maamulka Dekedda Berbera, sidoo kale kan saldhiggana ay Dawladdii Xasan Sheekh qayb ka ahayd. Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in aan Shacabka waxba laga qarin ee waxa jira loo sheego.

“Anigu waxaan taagnaa saddexdii sano ee ugu dambeeyey in doorasho dhacdaa waa xal doorasho la’aanina waa xal la’aan. Markaa, waxa ugu weyn ee rejo soo noolayn karaa waxa weeye iyadoo doorashadu sidaa lagu heshiiyey si cadaalad ah ay u dhacdo. Laakiin, intaan doorashada la gaadhin arrimaha taagan waxa ugu muhiimsan arrimahan Berbera oo markii horena iyadoon la innoo sheegin dawladdii hore ee Soomaaliya (Xasan Sheekh) oggolaansho bixisay; sida ka muuqatay hadalka Qolada Xukuumadda Somaliland. Dekedda waxaa yidhi; ‘Anigaa oggolaaday oo saxeexay’ Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya (Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke).” ayuu yidhi

Comments are closed