Hadalkii Sh. Nuur Baaruud Oo Xiisad Kulul Dhaliyey & RW khayre Oo Looga Yeeray Kulan Arintaas Looga Hadlayo!!
Muqdisho 14. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ka socda kulan ay isugu yimaadeen guddiyada joogtada ah iyo gudoonka baarlamanka Somalia.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah oo albaabada loo laabay ayaa waxaa looga yeeray kana qeyb galaya Raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira kacdoon la tuhmay in dowladu ku kicinneyso bulshadu iyo hadalkii ka soo yeeray Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed kaasoo ay aad uga caroodeen Xildhibaanada Baarlamanka.
Raisul wasaaraha ayaa lagu weydiinayaa kulankan su’aalo la xiriira tuhunka ay qabaan xildhibaanada Baarlamanka, waxayna u badan tahay inuu raali gelin ka bixin doono hadalka Shiikh Nuur Baaruud.
Xildhibaanada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Sheekh Nuur Baaruud iyagoo ku tilmaamay mid halis gelinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan Xildhibaanada.
“Hadalkii Shiikh Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqqi oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlayay munaasabad ay ka qeyb galeen madaxda sare ee dowlada kana dhacday Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay in cidii mowshin ka keenta dowlada meelaha ay joogaan uga galayaan, isla markaana iyaga iyo shacabku garaaci doonaan.