|

Hadalhaynta Qorshaha, Miisaanka Xaglatoosiye, Masiirka Saylici Iyo Culaysyada Haysta Muuse Biixi

Hargaysa, 4 November, 2015-(SDN/QJ):- Shabakadaha wararka Internetka ee Afsoomaaliga wax ku baahiya qaarkood ayaa faafiyay war sheegaya in Gudoomiye Muuse Biixi iyo hogaanka xisbiga ee weheliyaa ay waddaan qorshe beegsanaya in dib loo dhigo doorashada murashaxa madaxweyne ku xigeenka, shirka golaha dhexe ee 10. Nov mudaysana lagu doorto oo keliya murashaxa madaxweynaha.

DSC_4222
Wararkaa shabakadaha qaar faafiyeen waxay intaa ku dareen, in xoggo ay dad xog ogaal ah ka soo xigteen ay tibaaxeen in miisaanka kalsoonida taageerada Xaglatoosiye ay culays wayn ku hayso Gudoomiye Muuse Biixi, isla markaana ay saamayn wayn ku yeelanayso xulashadiisa murashax madaxweyne xigeenka. Waxa kale oo xoggahaa la faafiyay intaa ku dareen, in dhanka kalena uu Muuse Biixi qawadsan yahay murashaxa madaxweyne xigeenka ee hadda weheliya oo ah madaxweyne xigeenka Saylici, kaasoo 7 sano marka lagu daro muddo kordhinta hayay/ haynayana jagadda ilaa ay ka dhamaanayso muda kordhintu.

Xogahaa shabakaduhu faafiyeen waxay intay raaciyeen, in sidaa darteed uu gudoomiye Muuse danaynayo in doorashada madaxweyne ku xigeenka dib loogu dhigo shir kale oo golaha dhexe yeesho, si uu isaga baydhiyo Xaglatoosiye iyo Saylici oo haatan ku lamaan, xulasho kalena ugu laabto gobolka Awdal. Inkastoo wararkaa shabakadaha qaar faafiyeen, misana ma jiraan xaqiiqo rasmi ah oo ka marag kacda jiritaanka qorshahaasi, isla markaana illo ku dhawdhaw madaxweyne xigeenka Saylici oo uu Ogaal la xidhiidhay waxay ku tilmaameen wax aan jirin oo been abuur ah. “Weligeedba ma dhicin in murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka lagu kala doorto laba shir, mana aha wax jirra waxani, waa dacaayad la doonayo in lagu kala dilo Muuse iyo Saylici, mana dhacayso.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah taageerayaasha Saylici. Dhanka kale xubno kale oo u dhuun dalloola Guddoomiye Muuse ayaa sidaa si la mid ah ula yaabay wararkaa, kuna tilmaamay qaar aan jirin oo been ah.

DSC_4209Waa markii u horaysay ee war noocan oo kale ahi soo duulo, iyaddoo aanay hore u dhicin in laba shir lagu kala doorto labada murashax ee madaxweynaha iyo ku xigeenka. Dhinaca kale dadka siyaasadda ka faallooda qaarkood ayaa u arka in cidhiidhi badan oo Muuse la deris ahi jiro. “waxaan u arkaa, Saylici waa dhibaato uu tuurta ku sito Muuse Biixi, muu doorran ee waa loo dooray, haatanna waxay u egtahay in aannuu sii sidan Karin. Waayo cod baa laysku muquuninayaa, Xaglatoosiyana waa xiddig waqtigu saacidayo oo taageero badan haysta. Markaa Muuse waa inuu tiisa uun eegto, ku xigeenka shirku u doorrana uu aqbalo ee aannuu meel ku dheganaan.” Sidaana waxa ku doodday mid ka mid ah dadka dhacdooyinka siyaasadda falanqeeya, isla markaana keli kuma aha ee waxa la qaba rayul caam badan.

Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed