|

Hadal Qarannimada Somaliland Ku Lid Ah Oo Ka Soo Yeedhay Guddiga Doorashada Soomaaliya

Muqdisho 26.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey, ayaa Somaliland ugu baaqay iney soo gudbiyaan Liiska Xubnaha uga mid noqonayo Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

g-gudida-doorashada-somaliaHadalkan ayuu Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ka sheegay Shir Jiraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaanu hoosta ka xariiqay in Somaliland keliya ay ka hadhsan yihiin Xubnaha Aqalka,maaddaama oo ay Maamullada kale ee Federaalka Soomaaliya hoos-tagaa gudbiyeen Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelanayaan.

Doorashada Xubanaha Aqalka sare ee Maamullada Puntland,Galmudug,Koofur-Galbeed iyo Jubbaland ayuu ku sheegay in ay waqtiyo kala duwan dhacday, taasna ay sabab u tahay  kala duwanaanshaha deegaannada iyo doorashada sannadkan ee Soomaaliya.

Doorashada rasmiga ah ayuu sheegay in ay dhacayso maalin keliya maalinta xigtana la tiriyo codadka dadka doorashada ka qeyb galay. Waxaase uu doorashada Soomaaliya ka dhaceysa sheegay in ay tahay doorasho dadban, sidaa darteedna ay daruufo kala duwan la kulmeyso.

Hase-yeeshee, Somaliland, ayaan nadaam ahaan ka mid ahayn Maamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya ee hoos-taga dawladda Federaalka, isla markaana ah Maamul qaab ahaan dhammaystiran oo iskii isu maamulayey muddo 25 sannadood ah oo ay gaar uga taagnayd nidaamkii la isku odhan jiray Soomaaliya tan iyoi markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 18 May 1991-kii, iyadoo wixii markaa ka dambeeyey wax ay si toosa ula wadaagtay Soomaaliya jirin Maamul ahaan.

Waxa jira wadahadallo muddo dhawr sano ah u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo si siman oo laba dhinac ah u wadahadlayey, inkastoo tan iyo bilawga sannadkii hore ee 2015-kii ay hakad galeen wadahadalladaasi, isla markaana khilaaf ka dhashay Ergooyinka dhinaca Soomaaliya uga qaybgalayey wadahadallada oo ka dhacayey Turkiga, ka dib markii ay dowladda Soomaaliya ku soo dartay Siyaasiyiin dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda oo xilal ka haya Federaalka, kuwaasoo ay Somaliland diidday inay hor-fadhiisato dad deegaan ahaan dhulkeeda u dhashay, balse ay wadahadli karaan cid ka soo jeedda Koonfurta Soomaaliya. Waxaanay Somaliland deedifaysay inaanay Siyaasiyiinta Soomaaliya u shaqa-tagaa metelin Somaliland.

Comments are closed