|

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha..Qormada: 1aad.. Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale.

Hargeisa :Aug, 7 2014 (SDN/QJ)-Waa sida dastuuriga ah ee dib loogu dhigi karo doorashada Golaha Wakiillada. Weli miyaad maqasheen dhibaato intaa le’eg oo inagu habsatay oo sababtay in doorashooyinkii Golaha Wakiilladu dib u dhacaan? Waxaynu ka ducaysanno ayay ku ducaystaan si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Muddo-kordhinta Madaxweynahana waxa loo cuskadaa Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad oo ah “Duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed.”

Bal horto sidaa ku ogaada waxan ina barriinsaday in aanay sharciyad iyo caqliyad midna ku fadhiyin ee ay tahay waxay iska jeclaysteen iyaga oo had iyo jeer laabta ku haya in aafooyinkaasi dhacaan si aanay doorashooyin u qabsoomin. Bal, Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa ina jecel oo aan labada dhibaato iskugu keen darin.

Muddo-xileedkoodii dastuuriga ahayd waa ay ku diyaarin kari waayeen doorasho. Dibudhigistii waxay u cuskadeen qodobbo aan jirin oo aan dastuuri ahayn. Sidaas ayay doonayaan in ay ku sii fadhiyaan iyaga oo aan sharci ahayn oo dastuur iyo shacbigii soo doortay midnaba ixtiraamayn.

Waxani, wax la eegto ka weyn. Ceeb iyo fadeexad ayaynu adduunyadii iyo dalalkii deriska ahaaba uga baxnay. Ummaddii karaamo la og yahay lahayd ee wax la og yahay ka soo dabbaalatay, ayaa maanta doorashooyinkii dastuuri ahaa qabsan kari la’. Bal ka warrama dee? Miyaad geydaan waxan dhacaya ee aydaan galabsan.

Dastuurka haddii lagu dhaqmi waayo, dhaartii haddii la rumayn waayo, ummadda haddii laga xishoon waayo, qarannimada haddii la dhowri waayo, kuraasi lagu fadhiyayaa ma jirto. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Inta la isu yimaaddoo ha la sameeyo Xukuumad ku-meel-gaadh ah oo muddadeedu kooban tahay oo dalkan iyo dadkan doorashooyin hal mar u qabanqaabisa.

(La soco sabtida, haddii Eebbe idmo…………………..)

Comments are closed