|

Hadaanu Nahay Taageerayaasha WADANI UK Waxaanu Soo Dhawaynaynaa Heshiiska uu Xisbigu la Galay Ucid

  • ASC ugu horayn waxaan halkanka salaamayaa guud ahaan shacbi waynaha somaliland iyo howl wadeenada shabakadan QURBOJOOGNEWS waxaan idin leeyay dhamaaantiin RABADAAAAAN KARIIM ale ha inagu gaadhsiiiyo bishaa bisheeda caafimaad iyo cimridherer inta kadib .

    Hadii aanu nahey taageerayaasha xisbiga mucaarid ah ee wadani ee UK iyo qaarada Yuruba .

    Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa Heshiiska labada xisbi mucaarad ee ay doraaad Ku Gaadheen Hotel Ambassador ee magalada Hargaysa ee somaliland waxaanu leenahay hambalyo hambalyo waxaanu aad ugu Faraxnay sida qurux badan ee sharafta leh milgaha leh ee aad gacmaha isku qabsateen waxaan ilaahay idiinka baryaynaa in aad noqotaan laba xisbi qaran oo mucaarida oo wadada xaqa ah ku ilaaliya dowladan KULMIYE Inta uga hadhay wakhtigeeda hambalyo hambalyo hambalyo .

    Waxaa kale oo aanu soo Dhaweyneynaa Baaqii iyo Talooyinkii aad soo jeediseen ee aheyd in sida ugu dhakhsaha Badan laysugu yimaado Talo loodhan yahay iyo dhamaan qodobadii aad ku heshiiseen waxaan ku han Waynahay hadaanu nahay WADANI UK in aad noqon doontaan labada XISBIBA kuwii u hogaan sama qodoba Heshiiska ee halkaas ka soo baxay .

    Waxaanaanu Qabnaa hadaanu nahay WADANI UK iney Tahay Wadada aad ku xalin kartaan dhibaatooyinka Idin horyaala ee maanta qaranku u baahan yahay in la iska kaashado oo meel looga soo wada jeesto badbaadada Jiraanta qaran somaliland oo maanta meel aad u xun maraysa iyo nabadgalyadii aynu ku soo caano maalnay oo Faraha ka sii baxaysa .

    Waxaanu ku han waynahay in xisbiga Ucid uu noqon doono mid nagala shaqeeya danta guud ee qaranka iyo tan Asxaab ahaanba .

    Ugu Danbeyntii Waxaan u soo jeedinaya UCID UK iyo WADANI UK in ay iyaguna ka qayb qaataan sii xoojinta, Adkaynta iyo dhaqan galinta heshiisa Hargaysa ee labada xisbi si uu dhokhso ugu dhaqan galo maadama uu Qaranku ubaahan yahay badbaado dag dag .

    ASC

    Caydaruus Farah Warsame

    London

    Allaa Mahad Leh

Comments are closed