Hablo Soomaaliyeed Oo Haysta Dhalashada Dalka Australia Oo Ku Biiray Kooxda ISIL
Mousil:Dec,14,2014(SDN/QJ)-Qaar kamid ah Warbaahinta Waddanka Australia, ayaa Baahiyey wararka laba Hablood oo soomaaliyeed, kuwaas oo ku Biiray Ururka Daacish.
Hablahan ayaa Da’dooda lagu kala sheegay 18-sano iyo 20-sano, ayaa la sheegay inay u socdaaleen si ay ugu biiraan kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Labadan gabdhood oo ka tagey magaalada Sydney ayaa warbaahintu qortay inay dalka ka baxeen laba toddobaad ka hor, waxana ay sii mareen Waddanka Turkiga.
Gabdhahan ayaan wali Magacyadooda la Shaacin, waxana socda baadhitaano la xidhiidha sidii loo ogaan lahaa Sababaha keenay inay Go’aankaas qaataan.
Hore ayey laba hablood oo soomali ah, isla-markaana haysta Dhalashada waddanka Ingiriisku ay ku biireen kooxda Daacish, kuwaas oo la sheegay inay Markii dambe Guursadeen Hoggaanka Kooxdaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com