“Habar-jeclo Iyo Suber Awal Taariikh Guun Ah Ayaa Ka Dhaxaysa Inanka Yar Ee Hadlayna Rag Siyaasiyiin Ah Ayaa Ka Danbeeyey Oo Waan…” Boqor Buur-madow
Hargaysa 09. April 2017 (SDN/QJ):- Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow oo ka mid ah madax dhaqmeedka Dalka ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xidhiidhka Iskaashi ee ka dhaxeeya Beelaha Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxa uu sidoo kale ka hadlay nin boqor Sheegtay oo hadalo xanafleh warbaahinta mariyey.
Boqor Buur-madow ugu horayn waxa uu shegay in beelaha Suber Awal aanu ka dhalan ninka boqorka sheegtay hadaladii uu ku hadlayna ay ahaayeen kuwo loo soo dhiibay oo rag siyaasiyiin ahi ay ka danbeeyeen waxaana uu yidhi.
” ugu horayn waxaan doonayaa inaan ka hadlo inanka isku magacaaba Boqor Bad-madow inankaas halka uu ka soo jeedo waynu naqaanaa dad aannu cad iyo jiidh ku lahayn ayuu inta badan magacooda qaataa kuna hadlaa anigu si fiican ayaan u aqaanaa halka uu ku arooro iyo abtirsiimadiisa laakiin wax badan ka odhanmaayo hadalada uu ku hadlay waa loo soo dhiibay cida u soo dhiibtayna waynu garanaynaa waana arin siyaasadaysan oo la doonayo labada beelood ee xidhiidhka qotoda dheer lahaa in layska horkeeno, rag waawayn oo siyaasadda ku guul daraystay ayaana arintan u soo dhiibay kana danbeeyey inanka u jawaabayna wu khaldan yahay beelaha Suber Awal iyo Habar-jeclo waxa ay leeyihiin Taariikh guun ah oo siyaasad iyo dhaqan ayay xulufo ku ahaayeen wakhti badan”.
Sidoo kale Boqor Cismaan Buur-madow waxa uu sheegay in codka Beelaha Habar-jeclo Muuse Biixi siinayaan uu yahay mid aanay cidna kaga haybadaysanayn isla markaana waxa uu la hadlay beelaha uu boqorka u yahay waxaana uu yidhi. ” Muuse Biixi iyo Beeshiisa Codka aannu siinayno cidna waxba u waydiin mayno waana sunaha siyaasadda ee aanu ku wada socono laakiin waxa jira dad makas ah oo waxaas markay maqlaan meelahaa iyaguna hadalo ka tuurtuuraya kuwa aan boqorka u ahay waxaan leeyahay waxba kama jiraan mana metelaan labada beelood waana dad doonaya inay wiiqaan siyaasadda iyo (Alliance) Xulafada gaaamurtay ee labada beelood”.
Ugu danbayn Boqor Buurmadow waxa uu xukuumadda ugu baaqay in maxkamad la soo taago inamada yar yare e sheeganaya Magacyada Madax dhaqmeedka waxaana uu yidhi. “xukuumadda waxaan ka cod sanayaa inamada yar yar ee sheegta Boqor, Ugaas. Suldaan iyo magacyada madax dhaqmeedka in wax laga qabto oo maxkamad la horkeeno” Ayuu hadalkiisa ku xidhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.