Habac Ka Muuqda Diiwaangelinta Maroodi-jeex Iyo Qodobada Kala Duwan Ee Loo Nisbaynayo
Hargeysa, 3,5,2016 (QJ/SDN) – Maanta waxa lagu jiraa maalintii saddexaad ee ay diiwaangelinta cod bixiyayaashu ka socoto caasimadda Hargeysa, ka dib markii muddo bil ah abaarihii jiray dartood uu dib u dhac ku yimid.
Hase yeeshee gobalka Maroodi-jeex ee ay caasimadu ku taalo oo ay ku noolyihiin dadka ugu tirada badan ayaa waxa ay diiwaangelintu uga socotaa qaab qaboow oo aanay dad badani filayn. Safafka loogu jiro isdiiwaangelinta ayaa meel kasta oo ka mid ah caasimadda Hargeysa waxa ay u muuqdaan inay yihiin qaar gaaban, halkii laga filayay in safafku noqdaan kuwo dhaadheer islamarkaana shaqaalaha guddiga doorashadu ku mashquulaan diiwaangelinta dadka xaqa u leh.
Saxafiyiin ka tirsan wargeyska Geeska Afrika oo shalay iyo doraad soo sameeyay kormeer, ayaa soo arkay in 56 goobood oo loogu tallo galay caasimadda Hargeysa laga dareemayo cidlo iyo shaqaalaha diiwaangelinta oo iskaga jira nasasho, ka dib markii ay waayeen cid ay diiwaangeliyaan oo badan oo ay ku mashquulaan. Waxaana sidoo kale caqabadani ka taagantahay deegaanada kale ee gobalka Maroodi-jeex.
Sidaas daraadeed, marka gobalka Maroodi-jeex iyo gaar ahaan caasimadda Hargeysa la garab dhigo gobaladii iyo degmooyinkiikale ee ay diiwaangelintu ka qabsoontay waxa laga dareemayaa hoos u dhac aad u weyn oo aan la filayn.
Dhawr qodob ayay dadka reer Hargeysa ee arrintan falanqaynta ku sameeyay sabab uga dhigayaan. Qodobka koowaad ee uu qof kastaa qiimayntiisa ku darayo ayaa ah wacyigelin la’aan ka timid ururo iyo shakhsiyaad kale oo la siiyay mashruucii wacyigelinta oo aan samayn wacyigelintii looga baahnaa. Taas bedelkeedna xaafadaha Hargeysa qaar ka mid ah waxa labadii caano maal ee u dambeeyay lagu arkayay baabuur ay dad shacab ahi leeyihiin oo iskood deegaanadooda ugu samaynaya wacygelin kana codsanaya shacabka in la is diiwaangeliyo.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada oo laga doortay gobalka Hargeysa ayaa aaminsan in wacyigelin la’aani sabab u tahay qabowga ka muuqda diiwaangelinta gobalka Maroodi-jeex.
Dad kale ayaa jira oo iyaguna aaminsan in bulshadu ka niyad jabeen doorasho iyo cod ay siiyaan siyaasi kursi doonaya, maadaama doorashadii u dambaysay ee golaha deegaanka ay inta badan bulshada reer Hargeysa isku raacsanyihiin in lagu khasaaray golihii deegaanka ee ay doorteen.
Sidoo kale masiibadii dhawaan ku dhacday dhallinyaro reer Somaliland ah oo ku geeriyooday badda iyagoo u sii tahriibaya Yurub kana yaacaya shaqo la’aan iyo nolol xumo ayaa iyana ay dadka qaarkii ku xidhiidhinayaan arrintan, maadaama oo ay dadku ka niyad jabeen quusna ka joogaan doorasho qabsoonta oo aan keenayn isbedel nololeed iyo horumar, kaas oo wixii isbedel ah ee yimaadaana uu ku koobnaado dad kooban oo nidaamka markaas dhasha ka ag dhow.
Si kastaba ha ahaate, habacsanaan xoog leh oo aan laga filayn ayaa laga dareemayaa diiwaangelinta saddexda maalmood ka socota gobalka Maroodi-jeex, waxaana isa soo taraya baaqyo iyo farriimo ka imanaya aqoonyahanada iyo madaxda dhaqanka ee gobalka oo dadka ka dalbanaya in la is diiwaangeliyo.
Geeska