Haayadii Hanti Dhawrka Qaranku Miyay Seexdeen? Xoghayaha Dhalinyarada Waddani.
Hayada hanta dhawrka qaranku xukuumada waxay u qaabilsantahay ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka hantida la lunsado iyadoo uu wajibiyay aas-aaskeeda iyo jiritaankeedu dastuurka qaranka qodobkiisa 113aad faqradiisa 4aad.
Xukuumadan talada dalka haysa waxaa bariisaday oo ay ladaristay musuq maasuqii ugu balaadhnaa ee ay xukuumadi samayso mudadii Soomaalilaan ay jirtay, waayadan danbe waxaa jiray in lafadhataystay hantidii qarankuu lahaa iyadoo dadwaynuhuna iswaydiinayaan hayadii hanta dhawrka qaranka una qaabilsanayd in ay ilaaliso hantida qaranka meel ay jaaniyo cidhib dhigtay.
Waxaa jira oo bulsha waynta Soomaalilaan ay ogtahay in xukuumada talada dalka haysaa ay kula jirto gacanta haayadii hanti dhawrka qaranka kana dhigtay fadhiid taas oo ay sabatay in uu masuulkastaa uu hantidii qaranka sida uu jecelyahay u isticmaalo,taasina waxay maragmadoon u tahay oo ay ina tusaysaa inay hayadii hanti dhawarka qaranku seexatay oo aanay warka haynin meesha la islamarayo dalkii iyo boobkii cashuurta umada iyo hantidii qarankaba.
Hayda hanta dhawrka qaranku waxay ku fashilanatay xilkii ay umada uhaysay iyadoo gabi ahaanba wax shaqo oo ay haysaa aanay jirin kaliya in madaxda hanta dhawrka qaranka iyo dad-yawgaara ay xilalkooda iyo masaariftoodaba ku ilaashadaan taasina waxay inoo cadadaynaysaa faashilka ka dhextaagan hayada dhexdeeda.
Hadaba waxaa is waydiin mudan bal maxay dalka ugu filanyihiin hadiii habeen iyo maalinba boob cad oo badheedha lagu hayo hantidii qaranka?
Bal maxaa uu sheegayaa jiritaankoodu haduu qofkii musuqa sameeyay ee ay ahyd in baadhis lagu sameeyo aan la baadhayn?
Bal maxaa lagu tilmaamikaraa hadii haydadii dhamayd wax shaqa aanay ka dhexsocon?
Waa waydiimo badan oo ay iswaydiinayaan bulsha waynta Somaliland ee neceb musuqa jecelna cadaalada,wanaaga iyo hormarka dalkooda rabana in loogu adeego si daacada.
Bal waxaad qiimaysaa wasiirka ama masuulka xukuumada oo isaga oo dhaqaale buuran aan haysan muda yar ku dhisanaya gurya waa wayn iyo fooqaq kana dhisanaya cashuurtii dadwaynaha ay ahaydna in wax loogu qabto iyadoo umada aan dib loogu soo celin taa badalkeedana la masuqo.
Hadaba waxaa loo baahanyahay bal sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka ileen haydii hanta dhawrka qaranku waa tan magac uyaal noqotaye.
Xoghayaha guud ee garabka dhalinyarada WADDANI
Cabdifataax Siciid Axmed (Aftax)