|

Haayadda la dagaalanka musuqmasuqa ee fadhigeedu yahay London oo ku baqday Bulshada reer Somalilanad Gacan ka siiso la dagaalanka Musuqmaasuqa

28March14(SDN) Ujeedo: Warsaxafadeed iyo codsi ku socda dhamaan shaqalaha haay’aadaha iyo wasaradah iyo Wakaaladaha Jamuuryada Somaliland gaarahaan Shaqaalaha waaxaha Maamulka lacagta iyo Mashariicda kala duwan ee ka hawlgala haayadaha Dawliga ah ee puplica ah/ kuwa gaarka loo leeyahay ee private ka ah iyo kuwa aan dawlihga ahaayn ee NGOs loo yaqaano, siiba kuwaa qaata koontragyada(contractorska) dawlada somaliland ka qaata koontraagyada iyo UN/World bank .

Iyadoo la wada ogsoonayahay inuu musuqmasaq boob iyo laaluush uga socdo wadanka si bilaa xada
Oo aanu wadanku waligii gaadhin ama aaynu kujirno wakhti musuqmasaqu noqday wax iska caadiya iyo in lagu faano in la lunsado xoolaha ummada ka dhexeeya ee qasnada sanduuqa dalka oo aay dadka xilalka hayaa aay sidaay rabaan ugu tagri falaan xoolaha ummada oo aay musuqmasaqaan xilka ummadu u dhaarisay ee ay ku aamintay, iyada oo aay caadasteen laaluush iyo hanti lunsi aanay islahaynba cidbaa idin arkaysaa, musuqmasaqan oo ah mid lid ku ah wax wayna yeelay ama yeeli doona hadaan laga hortagin gooni isutaag somaliland iyo inaaynu noqono dawlad caalmka laga aqoonsado waxa lagama marmaan ah inaaynu meel uga soo wada jeedsano musuqmasaqa iyo laaluushka iyo kuwa cadastay inaay hantida maguuranka ah ee umada lunsadaan ooy si bilaa xishooda u boobaan.
Sidaasi darteed waxaanu bulshada xalaashah ah ee reer somaliland meelkastooy joogan aanu ugu baqaynaa wax alla waxii ku saabsan musuqmasaq iyo lunsi hantida ummada inaay noo soo sheegan oo soo report gareeyaan.anagoo ugu balan qaadayna in warbixinta aay nasiiyaan anu xafidi doono ooy noqondoonto (private and confidential ) islamarkaasina qofkastaba warbixintiisu aay amaano noo noqoto isaga oo ogolaada inaanu magacwdo mooyee.
 Waxa kale oo aanu Si gaara u Codsanaynaa dhamaan shaqaalaha dawlada inaay nala soo xidhiidhaan ooy na soo wargaliyaan soona gudbiyaan wax ala waxii akhbaara ee ku salaysan maamul xumo musuqmasaq iyo laaluushqadasho iyo lunsi hantida ummada iyo waxii la halmaaala..wasaradaha aanu sida gaarka ah u danaynaynoo in nalooga soo waramo waxa kamida.
1) Wasaarada Madaxtooyada ee uu hogaamiyo Xirsi xaaji cali.
Qaaybta Maamulka lacagta iyo qandaraasyada, waxaanu ka codsanaynaa shaqaalaha sharafta leh ee wadaniyiinta ah ee wasaarada madaxtooyada ka shaqeeyaa inaay na soo siiyan wax alla waxii musuqmasaqa ee ummada somaliland iyo dalkaba wax yeeli kara ee ka socda wasarada madaxtooyada.

2) Wasaarada Maaliyada ee uu hogaamiyo Sheekh Samaale  :Qaaybta Maamulka lacagta iyo qandaraasyada, iyo Xisaabadka cashuuraha gobolada/ Dakadaha/Airport/ports/raashinka/Gaadiidka/Guryaha/qaadka/Shirkadaha waawayn haddii wax cashuura laga qaado iyo hadii aay laaluush bixiyaan cidaay siiyan iyo sida aay u bixiyaan.
Waxa kale oo aanu baadi goobaynaa faahfahin ku sabsan Miisaniyadeed sanadeedkii 2013/2014 iyo lacag ku maqan wasiirka maliyada oo ku dhaw $100.000.000 millions,
fadlan haddii aad Kashaqayso Wasrada madaxtooyada ee somaliland/ ee xirsi xaaji cali
ama aad ka shaqayso Wasarada maaliyada ood xog culus haayso fadlan nala soo xidhiidh. warbixintaduna waa aamin. Waxaanad ku soo hagajin kartaan waxii information ah amaba warbxin ama xog aad haysaan. emailkan.
WAXII XOGEED KA HAYSAN WASARADAHA KALE/ MASHARCIIDA WORLD BANKS/NGOs/ fadlan nasoo siiya iyagana.
Email: Somalilandanticorruption@outlook.com
Telephone/ + 00 44 07946893675
London UK

Comments are closed