|

“Haa Somaliland waan la midoobeynaa hadii ay wax ka bedesho saami qeybsiga awoodeed ee uu maamulka ku dhisan oo beelaha dhamaan Somaliland dega’’ Afhayeenka Baarlamanka Khaatumo

Buuhoodle 06. July 2017 (SDN/QJ):- Mohamuud Sheekh Omar Afhayeenka Baarlamanka Maamulka Khaatumo ayaa ka dhawaajiyey in ay la midoobi doonaan Somaliland hadii ay aqbalaan shuraada ay ka maamul ahaan wataan.

Gudoomiye Mohamudd oo wareysi siinayey warbaahinta ayaa sheegey in Somaliland ay la midoobi doonan hadii ay Somaliland wax ka bedeleyso qaab dhismeeda uu iminka ku shaqeeyo maamulkeeda.

 

“Haa Somaliland waan la midoobeynaa hadii ay wax ka bedesho saami qeybsiga awoodeed ee uu maamulka ku dhisan oo beelaha dhamaan Somaliland dega ay awood qeybsigaasi u sinaan doonaan” ayuu yiri Gudoomiye Mohamuud.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegey sababta keentey in tanaasul intaa la eg ay sameeyaan iyagoo ahaa maamul jira oo shaqeynayey, isagoona midaa ku sababeeyey in ay arintan keentey ka fekerka ay ka fekerayaan danaha umada reer Khaatumo.

 

“ Anagu waxaa mar walba noo muhiim ah masiirka umada Khaatumo oo Dawladii dhaxe ee Soomaaliyeed xaqii aan ku laheyn waa ay noo diidey, iyadoona dafirtey inaan nahay maamul jira oo deegaan leh” ayuu yiri Gudoomiyuhu.

 

Isku soo wada duubee wada hadalo waqti soo socdey kadib dhawaan ayeey aheyd markii Maamulada Khaatumo iyo Somaliland ay Hargeysa ku kala saxiixdeen heshiis ay wada gaareen kaasoo gogol xaar u ah in Khaatumo uu la midoobo Maamulka Somaliland.

Comments are closed