|

“Guurtida Waxanu Ugu Baaqaynaa Inay Heshiiskii Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda Sharciyeyso….Khilaafka Kulmiye-na”Sheekh Aadan Siiro.

Hargeysa:Jully,17,2015(SDN/QJ)-Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(aadan-siiro) oo kamid ah culimada Waaweyn ee Somaliland, ayaa si saraaxad leh uga hadlay xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu si gaar ah farriin ugu diray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Golaha Guurtida Somaliland.

aadan siiroSheekha oo ka Hadlay Madashii  maanta Salaadda Ciidda lagu tukaday ee Garoonka Xawaadle, ayaa si cad u sheegay in Culimada dalku taageero buuxda la garab taagan  yihiin hirgelinta Heshiiskii saddexda Xisbi-qaran iyo xukuumaddu hore u gaadheen, isla-markaana Guurtida looga baahan yahay inay taageerto,

“Waxaan maanta ka hadlayaa laba arrimood. Mid waxa weeye heshiiskii Xisbiyada iyo Xukumadda, heshiiskii saddexda xisbi gaadheen haddaanu culimada nahay waxaanu ku talinaynaa in la sharciyeeyo oo guurtiduna sharciyayso maadaama saddexda xisbi iyo xukumaddu isla gaadheen. Waxaanu guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqaynaa heshiiska in la sharciyeeyo, waxaanu leenahay si aan khilaafku u sii fogaannin sharciyeeya, dawladdu ha idin la sharciyeyso, asxaabtuna ha idinla sharciyeyso, umadduna ha idinla aragto,idinka ayaa xaq u leh laakiin waxaynu ku heshiinno ayaa sharci ah” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan siiro ayaa sidoo kale farriin u diray siyaasiyiinta ku loollamaya Kulmiye, “Khilaafka Kulmiye waa dawladdii oo dhib buu inagu keenayaa hadduu sii fogaado. Waxaanu iyagana ugu baaqaynaa, waar waxaad tihiin xisbigii dawladda hogaaminayay, khilaaf umaddani uma baahna. Dadka ragga tartamayaana si caqli, xikmad iyo danayn loo danaynayo dadka iyo dalka aynu yab-yabnay ku jirto ha u tartamaan. Khilaafkiina Adeer si sharci ah u dhammaysta oo reeraha ha ku wareerinina khilaafkiinna, oo carruurta iyo dhalinyarada ha ku wareerinina oo ha kala shir-shirinina barakallaahu fiikum, waxaad ugu kala baxdaan qaabka sharciga ah. Walaalayaal nabad galyada aan ilaashanno” ayuu yidhi Sheekhu.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed