|

Guurtida Somaliland oo Weli ku dhex Jira Lafo Gurka Siyaasada Arrimaha Gudaha

Hargaysa 23.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida   ee  somaliland  ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominaayey  Gudoomiye ku xigeenka kowaad  ee Golaha Md siciid jaamac cali ayaa mudanayaashu  waxay dood  ka yeesheen Siyaasadda arrimaha Gudaha ee  dalka.

GuurtidaMudanayaashii dooda maanta ka qaybqaadanayey ayaa soo jeediyey wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin nabadgelyada caasimadda iyo u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka ee aan weli la qorshayn xilli la qaban doono,

Mudanayaasha qaarkood ayaa soo jeediyay in ka Gole ahaan la dardargaliyo shaqadii Golaha  Guurtida   ,waxaanay mudanayashu si gaar ah u tilmaamayeen   sidii looga hortagi lahaa Aafadda Tahriibta ,loona sugi lahaa xuduudaha dalka si  aanay uga soo gudbin cid nabadgalyadeena wax udhimaysa .

Dhinaca  kale mudanayaasha qaarkood ayaa dalbaday in golaha uu hor yimaado gudoomiyaha baanka Somaliland si uu uga war bixiyo lacagtii giinbaarta ahayd ee dhawaan laga badlay magaalada ceerigaabo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed