Guurtida oo ansixiyay saddex Xeer oo laba ka mid ahi durduro ku soo dhaafeen Wakiillada
Hargeysa, 15, Mar 2012 (SDN)- Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland cod aqlabiyad ah ku ansixiyay saddex xeer oo lab aka mid ahi ay Golaha Wakiillada dur duro ku soo dhaafeen.
Fadhigii maanta oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku-xigeenk 1aad Sheekh Axmed Sh. Nuux Fure, waxaana madasha ka soo xaadiray 45 mudane.
Sadexdan xeer ee ay maanta ansixiyeen golaha guurtida Somaliland ayaa waxay kala yihiin laba ka mid ah oo kala ah Xeerka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista waxay Golaha Wakilllada ku soo dhaafeen dur duro, iyadoo ay Mudanayaasha Wakiilladu ka dooddin, isla markaana aanay akhriyin qodobada uu ka kooban yahay Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiistu. Xeerka kale ayaa isaguna ah Xeerka Nabadgelyada Guud ee Qaranka.
Markii ay xeerarkani soo gaadheen Golaha Guurtida Somaliland ayuu Goluhu u xilsaaray guddiyadii ay khusaysay inay soo naaqishaan xeerarkan oo ay hore u soo ansixiyeen.
Guddiyada loo xilsaaray inay soo naaqishaan xeerarkan ayaa ku soo taliyey in xeerarkan lagu ansixiyo sida ay ku soo gudbiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu, isla markaana aan wax ka bedel iyo kaabis midna lagu samayn.
sida loo kala ansixiyey sadexdaa xeerna waxay kala ahaayeen:
1. Xeerka la dagaalanka budhcad badeeda waxa ogolaaday 39 mudan, waxa diiday 2 mudane, waxaana ka aamusay 2 mudane gudoomiyuhuna muu codayn waxaana golaha fadhiyey 44 mudane
2. Xeerka la dagaalanka budhcad badeeda waxa ogolaaday 43 mudane,waxaana diiday 1 mudane cid ka aamustayna may jirin gudoomiyuhuna muu codayn waxaana golaha fadhiyey 45 mudane
3. Xeerka nabad gelyada waxa ogolaaday 42 mudane, waxa diiday 2 mudane,cid ka aamustay may jirin gudoomiyuhuna muu codayn waxaana golaha fadhiyey 45 mudane.
SDN, Hargeisa Somaland