Guurku Waa Hawl Ama Isku Day Barakaysan (Fa’idada Guurka) Qalinkii C/Xaafid Maxamuud
Ilahay wuxuu arkay inaysan fiicnayn qofkii ugu horeeyay oo ahaa Nabi Adam inuu ahaado kali, sidaa darteed ilahay wuxuu abuuray Xawo si ay u dhamaystiranto nolasha Adam ahaadana kuwa nolol wanaagsan ku noolada dunidana camira. Arintaas waxaan ka qaadanaynaa in qofku uusan dhamaystirnayn ilaa uu guursado. Intaas waxaa sii dheer in guurku yahay barwaaqo iyo farxad. Guurku waa hawl ama isku day barakaysan kaas oo keeni kara Jacayl, wada noolansho iyo daganaan xaga qoyska ah. Sidaa ogtihiin hadiyad qof u fiican baa laga yaaba inay mid kale u xumaato, sababtoo ah kuwii guursada aduunkan aan saxnayn waxay wajihi doonaan dhibaatooyin. Dabcan waad ku khilaafi kartaa xaaskaga arin. Labadiinu waa inaad kawada hadashaan, lakin erayada aad doorato iyo codka aad isticmaasho wuxuu keeni karaa in kala tag yimaado iyo bur bur ama inuu dhiso guurkaga. Waxay qaadataa tamar yar in lala macaamilo khilaaf marka ugu horaysay oo ay timaado, intii la xalin lahaa bil ka bacdi markii ay kororto ama badato khilaafku. Iyadoo khilaafka si furan daacadnimona ku jirto loo xaliyo waxay keeni kartaa in qofkasta u dhaqaaqo xaga wanaaga. Ku dhiiri gali qofkasta inuu noqdo mid fur furan oo jilicsan. Qof kasta waa arki karaa in Allah uusan isku si u abuurin raga iyo dumarka. Waa run inaysa in badan iska mid ka yihiin, lakin waxaa jira ama muuqata inay ku kala duwanyihiin xaga muuqaalka jirka iyo hab dhismeedka taranka. Sidoo kale waxay ku kala duwanyihiin xaga ficilka sababtoo ah Allah baa sidaas u abuuray si mid kasta uu midka kale u caawiyo hawlaha kala duwan. Allah wuxuu ka dhigay dumarka kuwa qanciya raga si ay uga caawiyaan amaradii Allah siiyay oo ahaa inay dunidaan camiraan. Guurku noqon karaa arin farxad leh sababtoo ah raga iyo dumarka mid ba midka kale buu u baahanyahay oo dabooli kara baahidiisa. Raga waxaa loo abuuray si awood iyo a deeg ku jiro is ay u hogaan u noqdaan. Hadii aan hogaan jirin waxay noqonaysaa wareer iyo dhibaato. Qoys aan lahayn madax waa gaari aan taayaro lahayn oo kale, hadii xaasku isku daydo inay la tartanto saygeeda waxay la mid tahay gaari laba darawal leh oo mid kasta uu haysto isteerin xukumayo taayar hore. Si kastaba ha ahaatee dumarka qaarkiis ma jecla fikirka ah in ragu madax ka noqdaan familyga, sababtoo ah ragu ma adeecin amarkii Ilahay oo ahaa inay si wanaagsan u hogaamiyan Qoyska. Allah kaliya lahayn hogaan. Inta kale oo ka soo harta haa waa leeyihiin. Ninka muslimka ah waa inuu si fiican u bartaa Quranka iskuna dayaa intii awoodiis ah inuu wanaagsanaado, marka uu la dhaqmayo reerkiisa. Ka nin ahaan waxaad waajihi doonta dhibaatooyin familyga ah hadii aad si daacadnima ah u waajahdo, waxaa laga yaaba in xaaskagu kula fahanto kuuna jilicdo oo ay gacan kugu siiso iyo taageero. Labada lamaane ee is qaba waa inay daacad isku noqdaan. Ninka waxaan leeyahay waqti badan ku dhumi qoyskaga oo la qaado waqti badan, noqo mid ku faraxsan xaaskiisa. Farxad ka hel xaaskaga. Waa maxay sababta aad u siinayso jacayl kaaga haweeney kale? Maxaad ku dooranaysaa soo jiidashada nin kale xaaskiis? Haa Dhilaysigu Ilahay xagiis waa ka danbi wayn. Waxay keentaa ama sababtaa dhibaato wayn oo ku timaada Guurka. Farxadu ma timaado markii hal qof uu ka doonayo galmo lakin waxay timaado markii aad rabto inaad qanciso gacalkaga, markaad siiso adiguna waxaad helaysaa farxad dhab ah. Waa shaqada ninka inuu xurmeeyo xaaskiisa, sidoo kale waa shaqada haweenayda xaaska ah inay muujiso wax lagu xurmeeyo.
By: ABDIHAFID MAHAMUD JAMA