|

GURMAD: Milicsiga Tix Abwaan Gaariye Ku Dardaaray Musharrixiintii Doorashadii 2005-tii & Ififaalaha Maanta Taagan

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Wuxuu leeyahay ninkii sidaa sameeyaa wuu eedayaa. Wuxuu kaloo tilmaamayaa in aan gari laba ruux ka wada qoslin ee kolleyba mid uun helayee, kiina laga helo inuu samro, kuna qanco natiijada. Wuxuu kaloo leeyahay caddaaladda iyo garsoorku waa muhiime, yaan xaqa iyo xormaynta laga tegin. Wuxuu yidhi:

Tixdan Gurmad wuxuu abwaanku ka tiriyey ololihii doorashooyinka baarlamaanka Somaliland ee sannadkii 2005. Wuxuu abwaanku ka digayaa ku shubasho iyo musuqmaasuq. Wuxuu kaloo leeyahay caddaaladda iyo garsoorku waa muhiime, yaan xaqa iyo xormaynta laga tegin. Wuxuu yidhi:
Gun baa haan laga unkaa;
Duq baa geel loo tubaa;
Gaw baan ka aqaan durbaan.
Waxaa geed lala kacaa,
Genkaad tahay erey la da’ ah;
Gefkana bashar baad u tee,
Haddaad ka garowdo khalad
Gob bay tahay caadadeed.
Waxaan godobtiisu hadhin
Gar aad leeduu og yahay
Nin kaaga masuugay gole.
Waxaa gabay lagu saxdaa
Candhuuftu geftaa dalqada
Markuu milil guud ka dhayo.
Golxoo dhammi maaha dhalan
Mar bay ged kaleeto tahay;
Dibnoo ku gariira iyo
Gengada waxa keenta been.
Waxay tixdu gaabsataa
Damiirku markuu gam’aa;
Hadduu hal ku seego geed
Waxaad gocataa hurdada.
Intaa guntay oo dhigee;
Hadduu geeraar wax taro,
Maxaan gelin dhexe onkoday!
Maxaan goohay oo tallamay!
Adoo gabbalkaagu dumay,
Maxaan gudcur baajiyoo
U daaray cadceed geyiga!
Maxaan galab oogay shamac!
Waxaan guurow marshiyo;
Waxaan subax loogay gool;
Hadday gees kaa mareen,
Maxaad farta iigu godi?
Dhegtaada soor-gad lehe,
Miyaan girifgirif yaraa?
Maxaan godladaa araar;
Shabeelkaan gurboodku dhalay
Ku idhi waxa gooyey aar,
Saw kii Alla-gawrac yidhi
“Mayee waxa laysay garo”.
Haddaan guga kuu kordhaa
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waaya-arag,
Illayn wax ma dhaantid geed!
Intaa guntay oo dhigee
Ku soo noqo goobta iyo
Garoonka ciyaarta taal.
Xilligu waa goor wax-saar,
Gegaa lagu dheelayaa
Shacbigu ka gar-soore yahay.
Waxaa guul sheegan kara
Cidday u gartaan iyagu.
Haddaad tahay guur-u-meer
Garaabo adoon qubqubin,
Adoon ummadda isku gubin,
Dadweynahan soo gab yidhi,
Waxaad ka gadayso mari!
Abaalkana waa gudnaa
Waxaad noo gashee horiyo
Gadaal waxaad maagantahay
Bal noo sheeg waa golee,
Waxay dadku kaa guntaan.
Kol ay tahay, Gaafanoow!
Haddaad gallad weydo kale:
“Estii” gudahaan ahoo
Ri’ baan beri gees ka riday.
Intaa guntayoo dhigee;
Nimay kala gees yihiin
Inuu libintiisa gado
Ninkii yidhi guul ka dhigo,
Gub baa kaga dhacay halkaa.
Ninkii yidhi: ‘gaal dil oo
Gartiisana sii’ ma maqal,
Xaqsoor nin ku gaadhi kara!
Rag uu ka dhaxeeyo geel
Hadduu kala geeyo damac
Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!
Galool mudhay oo farcamay
Dhuddaa goonyaha ku fiday
Hadday kala gaar yihiin
Guntay ka midaysan yihiin.
Haddaad Garas diiddan tahay
Ku koob dirirtaada Garas.
Ha nicin gobolkuu ka yimi!
Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysu yahay!
Magliga gacal loola baxay
Gondaa uma dhaadhacdee,
Ha gaadhin laftoo ha jabin,
Afkaagana godob ka dhawr!
Mar baa jirta gumuc la riday
Galaafto ninkii ridee,
Nin iinloow, daa gujada!
Waxaa bir kuu gooya talo
Markay gondihiisa taal
Nimaan geshigiisa dayin.
Adoo wax ka gaws qabsaday
Mar baa gefka loo liqaa
Inaan danta guud murkacan.
Intaa guntay oo dhigee;
Garaadkaygaan hadlee
Allow haygu gubin aqoon,
Gar eexana hayga tegin!
Haddaan eego gees kalena;
Gedday tahay dheesha taal
Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal,
Nimaan garanoow u toos!
Waxay eegayaan guddida,
Galbeed iyo Bari ka yimi,
Inuu dadku yahay dad gaya
Waxay baadi goobayaan.
Waxay eegayaan guddidu,
Inuu dadku yahay dad gaya
Inay u noqdaan gadh-wade
Dadweynaha Geeska Bari.
Fulow, guuli kuu dhawaa!
Xilliga guuraynayaa
Hadduu kaa tiro gedmaday;
Hir baa laga guurayaa,
Mid baa lagu geeddi yahay.
Waxaan goobayaa hangool
Farraarkiisiyo gantadu
Midkoodba ku yaallo geed.
Wax baan ka garaabayaa;
Wax baan misna gocanayaa;
Lammaanaan is geyin,
Intaan guri wada furaan
Haddana garac diidayaa.
Hortayda bir baa ku go’ay
Hareerta god baa ka qodan
Gadaal uma laaban karo.
Giraangir wareegta iyo
Dhig baa lagu guud socdaa.
Waxaan gudayaa habeen,
Wuxuu galayaa saqdhexe
Waxaan gudbayaa biriish
Biriish ku dul taagan gees
Gafuur wiyileed ka baxay.
Waxaa girgir qaanso sudhan,
Warkaba aan gaabiyee,
Raggii go’ay wuxu u go’ay.
Haddaan eego gees kalena
Waxaan gabbal ka arkayaa,
Cirkaan u samroo godladay.
Hadduu gelin toomanaa
Wuxuu galay Weerarow
Ayaankaygii gar-dhalad.
Ciyaartuna gebaggebiyo
Waxay joogtaa gamtii
Halkay ku gudhaysay talo.
Gefkana xeer baa ka yaal;
Ninkii ku kacaa xad-gudub
Wuxuu geleyaa off-side,
Allow garansii nin moog!

Comments are closed