|

“Guriga Salaadinta Subeer Awal Ee Ciidanku Weeraray, Waa Gurigii Axmed Silaanyo Looga Codeeyay” Siyaasi Axmed Like

Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)-  Siyaasi Axmed Xasan Cali Xirsi (Axmed like) oo ka mid ah siyaasiyinta xisbiga wadani ayaa baaq uu diray madaxweyne Axmed Silaanyo iyo xukuumadiisa ku sheegay in gurriga laga xidhay  Suldaan Sabayse uu yahay guriga Salaadinta Subeer Awal ee laga doortay xilligii uu doonayay kursiga uu hadda ku fadhiyo, isla markaana wuxuu fariin u diray shacabka gobolka Saaxil oo uu ugu baaqay  ay ilaalashadan midnimadoda iyo hantida guud ee qaranka.

 

Siyaasi Axmed Like oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii guriga salaadiinta subeer awal ahaa mid sharci darro ah islamarkaana sharci daro ay ku xidhanyiin salaadiinta  xabsiga ku jirta.“Sida loo xidhay Salaadinta oo wali xabsiga ku jira iyo sifaha loo maray xadhigoodu sifo xaaraan ah oo sharciga ka soo hor jeeda ayuu ahaa. waxa kaloo  sharci darro ah ciidanka gelitaankoda guriga salaadiinta. Malaha Axmed Silaanyo wuu iloobay gurigani waa gurigii markii uu doorashaada doonayay  gelinka hore iyo ka dambeba uu soo mari jiray, waxaanan leeyahay madaxweynaha hayso salaadinta oo ha kuu xidhnaadaan.”

 

Mar su,aal laga waydiyee sida uu u arko safarka madaxweyne Axmed Siilaanyo oo horaantii toddobaadkan safar dalka dibadiisa ugu ambaxay wuxuu yidhi;“Waa dilaalistii ugu dambaysay  oo dilaalkii lagaga soo qaadayo heshiis lala galay shirkad gaar ah oo lagu wareejin doono madaarka Berbera, sababtaas ayay isku raceen madaxweynaha iyo marwadisa iyo wasiirkisuba.

 

Waxa magalada Berbera galay dee dhulkii Hargeysa ayaa dhamaaday oo meel la ibiiyaa baan jirin ba.Waxa aan u jeedinayaa  shacbiga reer Berbera in ay ilaashadan wada jirkooda, midnimadoda iyo ilaalinta hantida ay reer Somaliland wada leeyihiin.”

 

 

Comments are closed