|

Guriga Hooyada Dhashay Guddoomiyaha Degmada Dayniile Oo La Qarxiyey

Muqdisho:07-March-2014(SDN)-Degmada Dayniile waxa Habeenkii xalay Aqalkii ay Deggenayd miino lagu Qarxiyey Hooyada Dhashay Guddoomiyaha Degmadaas Maxamed Abuukar Jacfar.

 

???????????????????????????????Wararka ayaa sheegay inn Kooxo Hubaysani ay Aqalka ku Tuureen Miinada, iyadoo Halkaas Laga Maqlay Gariirka iyo Jugta ka Dhalatay Qaraxaas.

Dadka Deegaankaaas ayaa sheegay in ehelkii guriga deganaa oo ay ku jirto guddoomiyaha degmada H/wadaag hooyadiisa aanu Khasaare Weyni Gaadhin, balseĀ  uu Aqalkii Guud ahaanba si weyn u Burburay.

Shacabka ayaa Sababta Aqalkaas Loo Qarxinayey ku Tilmaamay in Loo Jeedo Hooyada Dhashay Guddoomiyaha isagu Dawladda u shaqeeya, waxana cabsi badani soo foofsaartay Dadka Deegaankaas ku Dhaqan.

 

Maalmihii dambe amniga magaalada ayaa iska xumaa waxaana ka dhacayay dilal iyo qaraxyo dad rayid ah intooda badan saameeyay.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed