|

“Guriga Gabiley Waxaanu Ku Kiraysannay Sharci, Haddana Waxa La Leeyahay Xisbigu Deegaanka Maaha,Sidoo Kale Ninkii Hunguri ka Hayo Kursiga Gudoomiyaha G.Wakiiladdu ha soo Diyaar garoobo..” C.raxmaan Cirro DAAWO

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda KULMIYE ku eedeeyay inay Gobolka Gabiley iska xigsiinayaan Xisbiga WADDANI isla-markaana ay karantinimaynayaan.

Guddoomiye Cirro oo la hadlay Telefiishanka Star, ayaa wax laga xumaado ku sheegay in Guri uu Xafiis ahaan Magaalada Gabiley uga kireystay Xisbiga WADDANI laga wareejiyo inta Ciidan lagu xeero.

Guddoomiyaha oo ugu horreyn ka hadlaya Guryo uu Xisbigu ka kireystay oo Dadkii lahaa KULMIYE uga saareen ayaa yidhi “Xisbiyada waxaynu bilownay 2002-dii, Maantana waxaynu maraynaa 2017-kii, Maanta ka hor may dhicin in Guri Xisbi kiraystay lagu qabsado ama qaar ay ku jiraan la yidhaahdo ka baxa oo looga saaro Xisbinimada awgeed.  Hargeysa ayay ka dhacday in Guri uu Xisbigu kiraystay ay Mulkiilayaashii yidhaahdaan ka baxa iyagoo leh Xisbiyada ka kirayn mayno, haddana ay KULMIYE ka kireeyeen, markaa dhaqankaasi waa dhaqan fool xun, waxaanan qabaa in Dhaqankaa la suuliyo oo la baa’biiyo.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay Guri uu Xisbigiisu ka kireystay Gabiley oo Ciidan la wareegay “Waxa ayaan-darro ah in Dadka Guryaha qabsanaya ay ka mid yihiin Masuuliyiintii Xukuumadda ee Gobolka joogay, hadday Maayar tahay iyo hadday Badhasaab tahayba. Guriga Gabiley Nootaayo Sharci ah ayaanu ku kiraysannay, haddana weli Ciidan baa haysta, mararka qaarkoodna waxa la leeyahay Xisbigu deegaanka maaha (WADDANI), Xisbigu deegaan kasta wuu yahay, meel kastana wuu kireysan karaa. Masuuliyiinta Xukuumadda waxaanu uga digaynaa inay Arrimaha Axsaabta faro-geliyaan, Waayo? waxa la sheegayaa Guryo kale oo Xisbiga u kireysan oo la doonayo in la faro-geliyo oo laga saaro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “ Waxa dhacday in la yidhi Calamada WADDANI ha laga furfuro meesha waxa soo maraya KULMIYE’e, waxaasina wax hore u jiray ma ahayn.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay Masuuliyiin Xisbiga WADDANI oo gobollada Dalka qaarkood lagu xidh-xidhay, “Waxa Maalmahan dambe dhaqan noqday in Masuuliyiinta Xukuumadda ee Gobolladu ay aad u xidh-xidhaan Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee Gobollada Dalka, taasina waxay meesha ka saaraysaa in si xor ah loo tartami karo, markaa waanu uga digaynaa Masuuliyiinta ku kacda.”ayuu yidhi.

Comments are closed