Gunaanadka Tartanka Ciyaaraha,Weedhihii Wasiirka Raygal iyo Dareenka Maqnaanshaha Madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa 21.June (SDN) Xulka Gobolka Maroodi Jeex ayaa Mar kale ku Guulaystay Koobka Kubada Cagta ee Tartanka Gobolada Somaliland ee Ka Socday Garoonka Hargaysa Stadium ee Caasimada Hargaysa kadib markii ay Galabta Ciyaar Xiiso badan isaga Hor yimaadeen Xulka Gobolka Hawd.
Ciyaarta Gaba Gabada Tartanka Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland waxaa daawashadeeda ka qayb galay,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada, Madax ka Socotay Golayaasha Qaranka iyo Dadweyne tiro badan oo buux dhaafiyay Labada Qaybood ee uu ka kooban yahay Garoonka Hargaysa Stadium .
Labada Xul ayaa soo bandhigay Qaab Ciyaareed hufan kuna dhisan Weerar iyo Weerar Celis,iyagoo u Muuqday Laba Xul oo is Ceshanaya isla markaana uu Mid kastaaba ku doonayay Sidii ay Guushu u raaci lahayd.
Labadii Qaybood ee Ciyaarta ayaa labada Xul ay isla dhaafi waayeen Bar bar dhac Eber iyo Eber ah,Sida uu Sharcigu Dhigayo Waxaa labada Xul loo dhigay Rikoodhayaal ama laad ku laad waxaana 6 Gool iyo 5 Gool Guushu ku raacday Xulka Gobolka Maroodi Jeex oo Mar kale hantay Horyaalnimada Xulalka Gobolada Somaliland,Isla markaana Xejistay inay Noqdaan Mar kii Sadexaad ee ay Ku Guulaystaan Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Ciyaartoyga labada xul ayaa isku hambalyeeyay isna salaamayay waxaanay xulka gobolka Hawd ay muujiyeen inay u haneeyeen xulka gobolka maroodi-jeex oo ah gobolkii ay ka farcameen ee hore u xukumi jiray gobolka Hawd.
Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa Koobabkii Tartamada Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland Sida Kubada Cagta iyo Kolayga waxa uu Gudoonsiiyay Labada Xul ee Ku Guulaystay oo kala ah Xulka Gobolka Maroodi Jeex oo Hantiyay Koobka Kubada Cagta ee Somaliland, Halka uu Xulka Gobolka Gebilayna Gudoonsiiyay Koobka Kubada Kolayga.
Waxaa kale oo uu Wasiirka abaal marino kala duwan Gudoonsiiyay Ciyaar yahanadii, Tababarayaashii, Garsoorayaashii,iyo Hawl wadeenadii Kaalinta fir fircoon ka qaatay Mudadii uu Socday Tartanka Gobolada Somaliland .
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo hadal Kooban ka soo Jeediyay Garoonka Hargaysa Stadium ayaa Mahadnaq u diray Dhamaanba 13kii Xul ee ka qayb qaatay Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Muujiyay ayuu yidhi dadaal aad u badan .
Wasiirku Waxaa kale oo uu amaan u diray labada Xul ee ku kala Guulaystay Tartanka Kubadaha Cagta iyo Kolayga ee Maroodi Jeex iyo Gebilay waxaa kale oo uu xusay in labada Xul ee galabta isku haleelay Ciyaarta Gaba-gabada Tartanku inay ahaayeen kuwo isku dhigma isla markaana soo bandhigay Qaab Ciyaareed ku dayasho mudan.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray inuu si Guul ah inoogu soo dhamaaday Tartankii Socday Mudada Kow iyo Labaatanka Cisho ah.
Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu Si gaar ah Mahadnaq ugu diray Shirkada Dollar Store oo Koobka Tartanka Gobolada Somaliland dhigtay.
Tartankii 2011-kii ee ciyaaraha goboladda ee lagu qabtay Magaaladda Burco ayaa xulka Maroodi-jeex ay hal gool iyo Eber kaga badiyeen xulka gobolka Hawd oo ay xiligaas u ahayd markii u horaysay ee ay ka soo qeyb galaan tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo la filayay inuu ka soo qayb galo Gabo gabada Tartanka Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland ayaan ka soo Xaadirin Garoonka Hargaysa Stadium,taas oo Weydiimo hor lihi ay ka dhasheen iyadoo dadweynaha qaarkood ay ku Macneeyeen in Madaxweynuhu uu uga baaqday Imaatinka Garoonka inuu la Kulmo Buuq iyo Qaylo uu kala Kulmay Furitaankii Tartanka Ciyaaraha,Madaxda Xukuumada ee maanta ka qayb galay Gunaanadka Tartankan oo kala ahaaa Wasiirada Dhalinyarada,Maaliyada,Kalluumaysiga,Cadaalada,iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada ayaan ka hadlin Sababta uu Madaxweynuhu uga soo Qayb gali waayay Gaba gabada Tartankan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com