Gudoonka Maxkamada Gobolka Sanaag oo Hawl gal ka Garnaqista Dacwadaha aan laga Garsoorin ka Wada Degmooyinka Gobolkaas
Hargaysa 17.April (SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Cigaal ,Xubno ka Tirsan Bah’da Garsoorka iyo Qaar ka mid ah Qareenada Gobolkaas ayaa ka bilaabay Degmada Gar adag ee Gobolka Sanaag dhagaysiga Shan dacwadood oo laba ka mid ahi yihiin kuwa dil ah.
Gudoomiyaha oo khadka Telefoonka ugu Waramayay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa Sheegay in iyagoo ah Maxkamada Wareegta ee Heer Gobol ay Mudo afar Maalmood ah ka wadaan Degmada Gar adag hawl gal ku Wajahan ka garnaqida dacwadaha Mudo dhaafay oo Tiradoodu tahay Sida uu Xusay Shan.
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Cigaal waxa uu xusay in marka ay ka faraxashaan Degmada Gar adag ay u Kici timi doonaan dhanka degmada Ceel afweyn ee Isla Gobolka Sanaag,Waxaa kale oo uu intaas ku daray in hawl gal kan la mid ah ay ka soo fuliyeen Degmada Maydh halkaas oo ay ku soo Xukumeen Koox sifo Sharci daro ah uga Kalluumaysanayay Xeebaha Gobolkaas.
Hargasya SDN.qurbejoog.com