Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Ehlu Suna oo qaadacay Xil ka Xayuubintiisa
Dhuusa Mareeb 02.Sep 2013 (SDN)- Guddoomiyihii guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya, Cabdi Cali Fiidow ayaa diiday xil ka qaadis shalay uu ku sameeyay golaha talada ee maamulka Ahlu Sunna.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dhuusamarreeb, Cabdi Fiidow ayaa sheegay in sharci darro ay tahay xil ka qaadista ay ku sameeyeen golaha talada ee maamulka.
Waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisu ay tahay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana waxa uu sheegay in uu ku adkaysanayo inuu yahay guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna.
Waxa uu sheegay in golaha xilka ka qaaday uusan awood u lahayn in xil ka qaadis uu ku sameeyo isaga oo haya xilka guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka.
Golaha talada ee maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ayaa shalay xilka ka qaaday Cabdi Cali Fiidow, kaddib shir ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dhuusamarreeb, guddoomiyaha golaha talada ee Ahlu Sunna, Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir Aadan ayaa sheegay in Cabdi Cali Fiidow uu ku guul-darreystay gudashada waajibaadka loo igmaday, xilkana looga qaaday cod gacan taag ah.
Dhuusa Mareeb SDN.
Qurbejoog.com