Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Awdal oo Geeriyooday iyo Madaxweyne ku Xigeenka oo Tacsi u diray
Borama 01.Feb 2014 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal, Marxuum Axmed Cabdilaahi Bankaal Qaadi oo ku geeriyooday Magaalada Boorama 01/02/2014, laguna aasay.
Marxuumka oo door muhiima ka soo qaatay arrimaha garsoorka iyo cadaalada dalka Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Garsoorka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa ka qayb galay aas loo sameeyay Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Awdal Marxuun Axmed C.laahi Bakaal Qaadi oo lagu aasay Magaalada Boorama.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com