Gudoomiyihii Iyo Tifaftirihii Wargayska Hubaal oo Lagu Xidhay Gebilay
Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ciidammada Ammaanka ee magaalada Gabiley, ayaa Maqribkii Xalay loo taxaabay Saldhigga Booliska Gabiley Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Warbaahinta online-ka iyo Wargeyska ay bilawgii sannadkan xayirtay Xukuumadda Siilaanyo ee Hubaal Maxamed Axmed Jaamac Caloolay, Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), Guddoomiyaha Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar (Faysal-Qumuj) iyo laba qof oo kale oo la socday, kuwaasoo gelinkii hore ee maanta booqday magaaladaas.
Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta Weriyeyaashan, Gaadhiga ay wateen iyo ciddii la socotayba loogu taxaabay Saldhigga Booliska magaalada Gabiley Maqribkii xalay oo ay doonayeen inay halkaas ka soo baxaan, isla markaana Ciidammadu ka qabteen Kaantarroolka magaaladaas ee laga soo baxo marka dhinaca Caasimadda Hargeysa loo socdo ama laga galo marka Hargeysa laga tago.
Inkasta oo illaa saacad iyo badh ay Xidhnaayeen Suxufiyiintan Warbaahinta Hubaal ee Wargeyskoodu xayiran yahay.
Amarka lagu xidhay Suxufiyiinta Warbaahinta Hubaal iyo Xubnaha la socday, ayaa la sheegay inuu bixiyey Axmed Saleebaan Dhuxul oo ah Afhayeenka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, kaasoo isaga iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani illaa Habeen hore Gabiley u joogeen Muddaharaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo Jimcihii ka dhacay magaaladaas.
Muddaharaadka ka dhacay doraad magaalada Gabilay, ayaa sababay dhimashada ilmo-yar oo dhabarka lagu siday iyo dhaawaca siddeed Ruux oo shacab u badan, kuwaasoo dhaawacmay ka dib markii ay Ciidammada Boolisku u adeegsadeen Rasaas nool.
Weriyeyaasha, ayaa magaalada Gabiley u tegay si ay wax uga ogaadaan xaaladda magaaladaas sida ay tahay, maaddaama oo doraad illaa Habeen hore xaalad kacsani halkaas ka taagnayd, iyaga oo dadka shalay muddaharaadka dhigay ee Reer Gabiley ay muddaharaadkooda ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilka laba Sarkaal oo Ciidanka Millateriga Somaliland ka tirsanaa oo habeenkii Arbacada ee Khamiistu soo galaysay lagu dilay Tuulada Qori-lugud ee gobolka Saraar oo Ninkii dilayna aan la qaban ee uu baxsay.
Suxufiyiinta Hubaal iyo xubnaha la socday ayaa u soo jeeda dhinaca magaalada Hargeysa oo ay ka ambabaxeen gelinkii hore ee shalay, sida u sheegay Xasan-Keefkeef oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Hubaal, markii la soo daayey ka dib.
Hase-yeeshee, waxaanay filayn ayay la kulmeen dadweynaha reer Gabiley markii ay Ciidammada Ammaanku Rasaas nool u adeegsadeen, isla markaana uu ka dhashay khasaare ka badan ka ay ka cabanayeen sida ay Xukuumadda talada haysaa u fudaydsatay ama u yaraysatay sida ay ku doodayeen dadweynaha doraad Muddaharaadka ka dhigay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley ee Galbeedka Caasimadda Hargeysa.
Hargaysa SDN/QJ