Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Iscasilay.
Garowe,28Oct,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyihii Barlamanka Maamulka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa shir jaraa’id oo uu goordhaweyd Magaalada Garowe ku qabtay sheegay inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Gudoomiyaha ayaa shaaciyey inuu iscasilay kadib markii xildhibaano gaadhaya 40 mudane ay moohsin ka keeneen.
Wuxuu sheegay Siciid Xasan Shire in Ciidamo ay leeyihiin dowladdu ay inqilaab ku qabsadeen hoolka baarlamaanka Puntland basle ma aanu cadayn sababta keentay in ciidanku qabsadeen hoolka baarlamaanka Puntland.
Illaa hadda, lama garanayo sababta keentay in ciidanku inqilaabaan hoollka baarlamaanka, waxaana markii hore ciidanka lagu sheegay kuwo sugaya amaanka hoolka maadaama la hadal hayey inuu iscasilayey gudoomiyuhu.
Geesta kale, Xildhibaanada ayaan ku qanacsanayn qaarkood su’aalihii ay waydiiyeen Madaxweynaha maamulka puntland Cabdiweli Gaas Oo isniintii Baarlamaanka hor yimid, jawaabaha uu ka bixiyey.
Wixii warar ah ee kasoo kordha arrintaasi kala soco Qurbejoog.Com insha Allaah.