Gudoomiyeyaasha Gobolada+Maayarada Magaalooyinka iyo Kulankii ay la Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo,Xukuumada oo Keligeed ku hawlan Diiwaangelinta Muwaadinka DAAWO
Hargaysa 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Maayerada degmooyinka iyo guddoomiyeyaasha gobolada dalka Somaliland kuwaasoo uu Madaxwynaha Somaliland kala hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa diiwaan galinta madaniga ah.
Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka dalka,ayaa aad ugu dheeraaday kana wada hadlay sida ugu wanaagsan ee looga wada hawl gali karo hirgalinta diiwaan galinta madaniga ah.
Masuuliyiinta Gobolada iyo degmooyinka ayaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale la lafagureen sida ugu haboon ee loo qaybin karo goobaha diwaan galinta Gobolada iyo wacyi galinta dadweynaha.
Si kastaba ha ahaatee xukuumada somaliland ayaa dedaal ugu jirta sidii loo bilaabi lahaa diwaan gelinta muwaadiniinta Somaliland ka dibna loo bilaabi lahaa diwaan gelinta codbixiyayaasha , iyada oo ilaa hada ay xisbiyada mucaaridka ah isku khilaafsan yihiin labada diiwaangelinood ee xukuumadu doonayso inay dalka ka wada qabato.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com