Gudoomiyeyaasha Cusub ee Gobolada Togdheer iyo Sool oo kulamo la yeeshay Madaxda Laamaha Dawlada
Hargaysa 20.Feb (SDN) Gudoomiyayaasha Gobolada Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan, ayaa manta kulano xogwareysi ah Waxay kula Yeesheen xafiisyadooda Magaalooyinka Burco iyo Laascaanood Madaxda Laamaha Dawalada ee labadaas Gobol.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Axmed Cumar oo Kulankaas ka hadlay ayaa Sheegay in Nuxurkiisu yahay Sidii ay isu baran lahaayeen Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka hawl gasha Gobolka Togdheer,Waxa uu Gudoomiyuhu Xusay in Baahi Weyn loo qabo sidii ay u yeelan lahaayeen Iskaashi Mug leh oo Suurto galiya Sida uu Yidhi ka Midho dhalinta Horumarka iyo Maslaxada Gobolka Togdheer,Isagoo intaas ku daray in Kulankani uu noqon doono Mid todobaadle ah .
Geesta kalena Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Laascaanood kula yeeshay masuuliyiinta hay’adaha dawlada ee ka hawlgala gobalkaas.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahayeen isu duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee Gobolka Sool ayaa is barasho kadib isu duwayaashu waxay soo gudbiyeen warbixino kooban oo ku saabsan marxalada ay marayaan xafiisyadoodu iyo adegyada ay u hayaan bulshada oo ay soo raacdo baahiyaha ka jira xafiisyada iyo xarumaha gobolka Sool guud ahaan.
Gudoomiyaha Gobolku waxuu ka dalbaday maamulka iyo isuduwayaasha heer Gobol inay dardargeliyaan hawlaha ay u xilsaaran yihiin waxana uu ka codsaday in lagu hawlgalo daacadnimo iyo wadajir.
Guddoomiyaha oo ka hadlayey dhinaca ammaanka ayaa sheegay in meel looga soo wada jeesto adkaynta nabadgelyada maadaama hadii aanay nabadgelyo jirin aanay nololi jiraynin, gobolka soolna uu hadda yahay ka ugu dambeeya gobolada dalka dhinaca adeegyada bulshaa iyo horumarka bulshada. Loona baahan yahay in laga shaqeeyo kor u soo qaadista nolosha dadka gobolka.
Ugu dambayntiina Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa uu guud ahaan bulshada Gobolka Sool uga mahadceliyey soo dhoweyntii balaadhnayd ee loo sameeyey.
Hargaysa SDN.