|

Gudoomiye-xigeenkaWakiilada“in loo Dhaco Guryaha Wax Sharci ah Looma Laha, xaqa muwaadinka waa ku Gef, Sirdoonkuna Maaha Ciidan Qaran”

Hargeysa Oct 15,2012(SDN/Hubaal)- Ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sharci darro ku tilmaamay in saq dhexe la weeraro dad muwaadiniin ah oo gurayahooda hurda iyada oo aan wax waaran qabasho ah loo haysan isla markaana aan lagu hayn fal dambiyeed.

Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in Ciidanka sirdoonku  aanay xaq u lahayn inay wax xidhaan balse ay qaranka u qaabilsan yihiin ogaanshaha siraha  iyo xogaha ay xil saaran yihiin. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Wakiilladu waxa uu ka hadlay xeerka sirdoonka qaranka oo haatan golaha hor yaalla isla markaana mudanayaashu ka doodayaan, waxanu sheegay in ay ka shirgudoon ahaan ka dhigeen hay’ad madax banaan , balse aanay la mid ahayn saddexda ciidan qaran ee kale. “Xeerkani waa xeer cusub, Nabad sugidu waa Hay’ad qaran, dastuurkeenana waxa ku qoran saddex ciidan qaran oo kala ah ciidanka qaranka, booliska iyo asluubta, ciidan kale oo jiraa ma jiraan,” sidaa ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax oo  idaacadda BBCdu wax ka weydiisay xeerka sirdoonka qaranka, waxanu intaa ku dara “ Hay’addan Nabadsugidana waxa iyada laga dhigay hay’ad madax banaan oo sirta iyo xogaha haysa laakiin wixii xadhig iyo qabasho ah Booliskaa ku shaqo leh.”

Dhinaca kale mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay su’aal laga weydiiyey awooda ay sirdoonka dawladdu u leeyihiin inay saq dhexe gelelefaan dad hurda, isla markaana xurmaddii guryaha meel kaga dhacaan, waxa uu sharciga iyo xeerkaniba ka qabo, waxana baashe ku jawaabay “ Dastuurka waxa ku qoran xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinka , waxana lagu xidhi karaa in loo goosto waaran, wax degdeg ah oo dhacay sida argagaxiso oo kale  ayaa meel ku jirta waxa weeye in loo soo goosto waaran, laakiin in loo dhaco guryaha wax sharci ah looma laha, xaqa muwaadinka ee dastuurka ku qorana waa ku gef, kumana jirto xeerkan, sirdoonkuna maaha saddexda ciidan ee kale” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo shalay u warramay BBCdu.

SDN-H

Comments are closed