|

“Gudoomiye Saleebaan Hadii Maalintii uu Siilaanyo galayay Doorashada ay Kulayl noqon wayday oo Maanta Markuu Cirro galayay ay Kulayl noqotay ka da’aa ayaan ku leenahay” Xisbiga Waddani DAAWO

Hargeysa 07.May 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Waddani ayaa qaylo dhaan ka jeediyay Qaabka ay Golaha Guurtidu Talada uga dhigeen arrintii ay ku heshiiyeen Komiishanka Doorashooyinka Iyo Sadexda Xisbi ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid .

Waxay Hogaanka Xisbiga Waddani sheegeen in Xiligii ay doorashadii Madaxtooyadu dalka ka dhacday ee 26kii June Sannadkii 2010kii ee ay ku tartamayeen Madaxweyne Siilaanyo,Madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Rayaale Iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ay Cimilada Somaliland ahayd Sida ay haatan tahay isla markaana aanay Jirin sida ay sheegeen Kulayl xoogan oo ka jiray Deegaamada qaar.

 

Comments are closed