“Waxaan Idiin Soo Jeedinayaa in la Anshax Mariyo Sadexdaas Xildhibaan Maadaama ay ka Hor yimaadeen Go’aan gole” Gudoomiye Saleebaan Gaal
Hargaysa 07.June 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa saddex mudane oo golahaasi ka tirsan dalbaday in la anshax mariyo, kadib markii ay saxaafadda ka sheegeen innaan muddo kordhinta guurtidu samaysay ahayn mid aan haboonayn, kana hor-yimaadeen go;aankii muddo kordhinta ee Golaha Guurtida ee ay sheegeen in saddexda xisbi iyo xukuumaddu ka soo horjeesteen waqtiga ay cayimeen in doorashadu dhacdo.
Guddoomiyaha Guurtida ayaa guddida joogtada ah u gudbiyay warqad ujeedadeedu tahay sidii mudaneyaashaasi loo anshax marin lahaa oo talaabo adag oo sharciga ah la mariyo, isagoo ku eeddeeyay inay ka hor yimaadeen go’aan gole oo dastuuri ah.
Mudaneyaasha Gudoomiye Saleebaan Dacweynayo ayaa kala ah Mudane Axmed Muuse Obsiiye,mudane Maxamed Weli Warsame Cali iyo mudane Mubaarig Axmed Jaamac, kuwaasi oo soo dhaweeyay heshiiska Asxaabta Mucaaradka ah iyo Xukumadda ee ah in doorashada la qabto badhtamaha December 2016-ka.
Guddoomiye Saleebaan Waxa uu ku sababeeyay anshax marinta mudaneyaashan “Mudanayaal Sidaad ka warqabtaan Golahu go’aan ayuu gaadhay uu ku asnixiyay Codkii ugu Badnaa Go’aankaasi oo la xidhiidhay muddo Kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 Ee Distuurka Qaranka,Sidaas Awgeed Mar hadii uu golahu go’aan gaadho waxa waajib ah in loo hogaansamo lana wada difaaco,Balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxa ay ku kaceen danbi kaasi oo ka horimanaya Go’aan gole iyaga oo siiyayna warbaahinta warar shaki galin kara go’aanka golaha ee ay ka mid ahaayeen.
Hadaba waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii golahu ka yeeli lahaa kana go’aan gadhaan,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo guddida u gudbiyay warqaddan.
Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan mudaneyaasha guurtida u jeedinayay khudbad uu kula dardaarmayay inay wada difaacaan go’aanka guurtida ee ah muddo kordhinta loo
sameeyay Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo wakiilada ee ku astaysan March 2017-ka lana laalo heshiiska Xisbiyada iyo Xukumadda ee ah in December 2016 la qabto doorashada ayaa mudaneyaasha u
digay waxaanu maalintaasi golaha ka hor yidhi “Waxaan maqlayaa xildhibaano warbaahinta ka leh go’aanka guurtida waa lagu degdegay, wixii sharci u dhigay ayaa kuwaasna laga yeeli.”
Hargaysa SDN/QJ