|

Gudoomiye Ramaax oo Beeniyey War Wargeyska Sahan ka faafiyey, Dacwad uu Gudbiyey & Aflagaaddo uu ku kacay DAAWO

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si kulul uga jawaabay weedho aad u adag oo Boggiisa Weedha Wargeyska uu ku qoray Wargeyska Sahan oo Hargeysa ka soo baxa, kuna sheegay in Ramaax kagaga soo horjeestay dowlad-nimada Somaliland oo uu Maamul-goboleed ku sheegay iyo Dadka ay Ciidanka Itoobiya ku laayeen shantii bishan deegaanka Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee isla dalka Itoobiya oo uu ku sheegay inaanay uga duwanayn Oromo.

BADHASAABKA-GOBOLKA-AWDAL-MAXAMUUD-CALI-SALEEBAAN-RAMAAXHase-yeeshee, Badhasaabka Awdal Mr. Ramaax oo qoraalkaas Wargeyska Sahan ka baahiyey ka jawaabay isla Shalay Galab, waxa uu ku dooday inaanay waxba ka jirin waxa uu baahiyey Wargeyskaasi, isla markaana ay tahay Been-abuur cad, sidaas awgeedna uu Dacwad ka dhan ah Wargeyska Sahan u qoray Xeer-ilaalinta oo uu Maxkamad la geli doono.

Waxa uu Guddoomiye Ramaax weeraray Mulkiilaha Wargeyska Sahan Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heello), kaasoo uu si fool-xun u caawayey isaga iyo qoyskiisa, marka la raaco fasirka uu ka bixiyey Kelmadda Dayuus oo uu ugu yeedhay Heello, isla markaana fasiray ujeeddada loo isticmaalo kelmadda Dayuus.

Waxa kale oo uu ka jawaabay hadal uu ku naqdiyey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sheegay inuu xaal ka bixinayo hadalka Ramaas.

Haddaba, Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo arrimahaas iyo kuwo kale-ba ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Hadalkiisa oo dhan Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed