|

Gudoomiye Muuse Biixi oo Ka Marag-kacay Tayo-Xumada Xukuumadda Siilaanyo ka haysata Adeegyada Bulshada DAAWO

Hargeysa, 17 May, 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka marag-kacay in Xukuumadda Siilaanyo dhibaato ka haysato dhinaca Tayada, isla markaana ololaha doorashada 2017-ka ka qabsoomi doonta dalka ku geli doonaan Buug lagu soo koobay Ballan-qaadyo dhinaca Tayada wax lagaga qaban doono.

 

muuse biixiMuuse Biixi waxa uu sheegay in loo baahan yahay Dowlad tayo leh, Adeegyo bulsho oo tayo leh, Waxbarasho Tayo leh, Biyo Tayo leh, Caafimaad tayo leh, Shaqo Tayo leh iyo Caafimaad tayo leh, hadalkan oo muujinaya inaanay wakhtigan Somaliland ka jirin wax tayo leh marka loo eego qodobbada uu ka hadlay, kuwaasoo dhammaan xaqiiqo biyo-kama-dhibcaana ah.

 

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad ka jeediyey Xaflad lagu qabtay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ay ku kulmeen Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo uu Muuse Xubin ka yahay iyo Jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadku, muhiimadda heshiiska Somaliland la gashay Shirkadda Dubai World ee lagu wareejiyey Maamulka Dekedda Berbera, kaasoo uu ku tilmaamay mid hiil u ah Somalilnad.

 

Khudbadda uu Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi ka jeediyey Munaasibaddaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed