|

Gudoomiye Muuse Biixi oo Cod Dheer Ku Sheegay in Gudoomiye Cirro & Hogaankiisa Waddani ay Ku Kaceen Falal Lagu Wiiqayo Jiritaanka Somaliland Kana hadlay Sida ay u arkaan Falal lagu waxyeeleeyay Saraakiil ka Tirsan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 25. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sheegay in hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani ay ku Kaceen Falal Lagu Wiiqayo Jiritaanka Madax Bannaanida Jamhuuriyada Somaliland Kadib Markii ay Magaalada Nairobi Kulan kula qaateen Sida uu Xusay Madax ka Tirsan Dawlada Somalia Isla markaana ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Midnimada Somalia.

Gudoomiye Muuse Biixi Waxaa Kale oo uu ka Beri yeelay Xisbigaasi Weerarada abaabulan ee lagula Kacay Mas’uuliyiin Sare oo ka Tirsan Xisbiga Waddani Waxaanu hadalkan ka Sheegay Mar uu Maanta ka Hadlayay Wada hadal uu Xisbiga Kulmiye la furay Garabkii uu Hogaaminayay Gudoomiye Ku Xigeenkii 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed.

Comments are closed