Gudoomiye ku Xigeenkii Degmada Wardhiigley ee Muqdisho oo la dilay
Muqdisho 06.Aug (SDN) Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Taako ayaa lagu dilay isgoyska Siinaay ee isla degmadaas, iyadoo kooxaha dilay ay u suurogashay inay goobta isaga baxsadaan.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Mas’uulkan ay toogteen sadex qof oo ayna dhowr xabadood kaga dhufteen laabta iyo madaxa, isagoo goobta naftu kaga baxday, iyadoo kooxaha hubeysan ay dhaawaceen qof ilaalo u ahaa gudoomiye ku xigeenka la toogtay.
Kooxaha dilka geystay ayaa markiiba meesha ka baxsaday, waxaana durba sheegatay inay ka dambeyso dilkaas Al-shabaab oo tan iyo markii ayisaga baxday Muqdisho oo Maanta laga joogo laba sano ka geysanaysay dilala iyo Qaraxyo kala duwan.
“Dabelydu waxay wateen bastoolado, waxayna si dhaqso ah ku toogteen mas’uulka, wayna baxsadeen” ayay tiri haweeney dukaan ganacsi ku lahayd halka uu dilku k dhacay, iyadoo sheegtay inay agagaxeen dadkii goobta ku sugnaa oo dhan.
Sidoo kale haweeneydu waxay sheegtay inay sadex nin falka fuliyeen ayna la dhaceen rasaasta gudoomiye ku xigeenka, dabadeedna ay si degnaasho ah uga tageen goobta.
Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo goobta gaaray ayaa sameeyay baaritaano iyagoo qabqbatay dhalinyaro badan oo ay ku tuhmeen inay ku lug lahaayeen dilka loo geystay Gudoomiye ku xigeenka Wardhiigley.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa falkaas ku tilmaamay mid argagaxiso oo ay geysatay Al-shabaab, waxaana mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen inay soo qaban doonaan kooxihii ka dambeeyay si sharciga loo horkeeno.
Caasimada Somalia ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal amaan-daro oo isugu jira dilal, qaraxyo iyo weeraro gaadiid miineysan loo adeegsado, kuwaasoo dhamaantood ay ka dambeyso Al-shabaab.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com