|

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga WADDANI Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Boorama Maanta kaga qayb galay Soo Dhawaynta Siyaasiyiin Ka Tirsan Mid ka Mid ah Beelaha Gobolkaas oo Waddani ku Biiray DAAWO

Boorama 24.Dec 2015 (SDN/QJ):- -Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Ee Xisbigga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama, waftigan ayaa waxaa ka mid ah ahaa kaadiriinta Xisbiga Waddani Waxaana lagaga hortagay Duleedka Magaalada Boorama.

Waftigan ayaa markii ay soo gaadheen Magaalada dhexdeeda waxaa wadooyinka waaweyn taagnaa taageerayaal iyo dadweyne aad u tiro badan intaas ka dib waftiga ayaa loo galbiyay Hotel Haldoor halkaas oo ay xaflad weyn oo ay ku soo biirayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Habar-cafaan iyo kuwa kale oo degaanka ka soo jeeda oo ka soo diga rogtay Xisbiga Muxaafadka Kulmiye.

 

Comments are closed