Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid oo Tilmaan ka Bixiyey Halka uu Mustaqbalka Xisbiga Ucid ku danbayn doono DAAWO
Hargaysa 27.Nov 2015 (SDN/QJ):- Hadal haynta Khilaafkii ka dhex taagnaa Xisbiga Kulmiye ayaa loo arkaa Mid haatan u soo digo rogtay Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid,Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii Murashixii Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Ucid C.rashiid Xasan Mataan, Wuxuu Khilaafkani kala qaybiyey Hogaankii Xisbiga Ucid.
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid ayaa ku goodiyey inuu noqon doono qofka u danbeeya ee ka taga Xisbiga Ucid isagoo sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe aanu Marnaba uga Tagayn Xisbiga Ucid.
Dhanka Kale Gudoomiye Ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa ka hadlay Khilaafka Xisbigooda soo kala dhex galay iyo Sida uu u arko in Xal noqon doono.